Muuqaal: Askari Mareekan ah oo Qirtay In uu Gacantiisa ku dilay 2746 oo Ciraaq ah

La Wadaag Asxaabtaada

Korneel ka tirsan ciidanka mareekanka oo lagu magacaabo Dillard Johnson ayaa qirtay in uu gacantiisa ku dilay dad gaaraya 2746 oo ciraaqiyiin ah muddo 5 sano guduhood ah laga soo bilaabo 2005-2010.

Dillard Johnson ayaa noqday dilaaga ugu dhiig cabka badnaa abid taariikhda ciidanka mareekanka waxaa uuna qoray buug uu ugu magac daray”‘Carnivore'” waxaa una ku qoray buugga in aysan jirin maalin uu joogay ciraaq ilaa waxaa uu dili jiray ugu yaraan labo qof ama wax ka badan.

waxaa uu qoray in dilkiisa ugu horreeyey uu ahaa markii uu joogay deegaanka Alsamawat ee koonfurta ciraaq isagoo maalintaa baabuurkiisa jiirsiiyey 13 qof oo taagnaa goob laga raaco basaska.

Johnson oo ah 48 sano jir ka tirsan ciidanka mareekanka ayaa xiligan la il daran cudurada maskaxda ku dhaca waxa uuna noqday iskaabulo ka dib markii uu furay xaaskiisii hore.

Dhowr jeer oo hore ayaa ciidanka mareekanka waxa ay ninkani guddoonsiiyeen abaal marin ah Bilado iyagoo u aqoonsaday “Geesi dagaal”

FADLAN QEYBTA HOOSE KU DHIIBO ARAGTIDAADA
Like
Like Love Haha Wow Sad Angry
La Wadaag Asxaabtaada