Ururka Dowladda islaamka ayaa baahiyey muuqaal soo bandhigaya duuliye suuriyaan ah oo gubanaya kaasi oo u gacan galay kooxda dowladda islaamka sanad ka hor.
Muuqaalkan oo la baahiyey maalintii Khamiista aheyd ee la soo dhaafay ayaa muujinaya Duuliye Sare #Cazaam Ciid oo gubanaya isagoo labisan dharka guduudan ee caanka ay ku yihiin maxaabiista u xiran ISIS.
Ma jirta Ilaa hadda cid xaqiijisay xiliga rasmiga ee dhacdadan ay dhacday marka laga soo tago in dhawaan kooxdu baahisay muuqaalkan hase ahaatee bishii April ee sanadkii tagay ayaa kooxdu waxa ay baahiyeen muuqaal ay ku sheegayaan in ay soo rideen diyaar dagaal oo nadaamka suuriye leeyahay ilaa waqtigaasi wixii ka danbeeyey ma jirin cid war ka heysay halka uu ka danbeeyey duuliye CAzaam ciid.