Ardayda jaamacadda Debre Tabor ayaa tijaabisay gantaal roket ah oo gacan ku sameysan, tijaabadan oo ah tii labaad oo nooceeda ah oo ay jaamacadda sameysa ayaa ku soo aadeysa xuska 154-aad ee ka soo wareegtay dhimashada Imbaraatoorkii Tewodros.
XAQIIQO NEWS- MUUQAALO
Muuqaalka iyo sawirrada ayaa lagu baahiyey boggaga amxaarada iyaga oo sheegay in tijaabada ay tahay horumar laga gaaray riyadii xagga aqoonta ee uu lahaa Tewodros.

Guddoomiyaha jaamacadda Dr. Gashaw ayaa sheegay in ay sii wadi doonaan horumarada iyo tijaabooyinka.
Jaamacadda kama aysan hadlin awoodaha gantaalka yar ee roketka ah balse sida lagu arki karo muuqaalka gantaalka waxa uu u muuqda mid bilow ah sida kuwa ay sameeyaan Yuutuubleyda, waxa uuna ku dhacayaa meel dhowr mitir u jirta halka laga tuuray inkastoo muuqaalka laga jaray soo dhicista.