Muuqaal ka mid ah kuwa ugu cajiibsan, dalka Nepal waxaa baraha bulshada lagu baahiyey diyaarad ay rakaabka dabada ka riixayaan goob diyaaradaha ay ku soo dagaan.
XAQIIQO NEWS- MUUQAALO
Muuqaalka waxaa lagu arkayaa dad ka badan 20 qof kuwaasi riixaya diyaarad si ay uga leexiyaan madrajka diyaaradaha ku soo dagaan.
Muuqaalka ayaa laga qaaday maalinkii arbacada 1 Diseembar garoonka diyaaradaha Kulti ee ku yaalla degmada Bagura ee dhacda galbeedka Nepaal, waxa ayna 700km u jirtaa caasimadda dalkaasi ee Kathmandu.
Dhacdada ayaa u u muuqatay isku day ay rakaabka ku doonayaan in ay boos u baneeyaan si ay uga soo dagto diyaaradda ay raaci rabeen, hase ahaate dhabada diyaaradaha ku soo dagaan waxaa yiilay diyaarad ay leedahay shirkadda “Tara air”.
Mid ka mid ah dadka diyaaradda riixaayey ayaa sheegay in diyaaraddu ay ku dhaxbanjartay dhabbada diyaaradaha ku saa dagaan, waa arinta keentay in dadku ay bilaabaan in ay isku riixaan diyaaradda yar si waddo soo dagis ah u siiyaan diyaaradda ay raaci rabeen.