Muuqaal: Muftiga Sacuudiga Oo Beeca Ka qaaday Dhaxal Sugaha Cusub Mohamed Bin Salmaan

La Wadaag Asxaabtaada

Muftiga guud ee boqortooyada sacuudi carabiya ninka lagu magacaabo sheikh Cabdu-alcasiis ala sheikh ayaa beeca la galay amiirka cusub ee laga dhigay dhaxal sugaha Amiir mohamed bin salmaan.

Muftiga ayaa yiri isagoo gacan qaadaya dhaxal sugaha” waxaan beeca kula galayaa kitaabka iyo sunada”.

markii dhaxal sugaha uu soo gaaray hoolka beeycada ee ku yaala dhisamaha Buurta Safa ee magaalada makka almukaramah ayaa Muftiga sacuudiga ugu horreyn jeediyey kalimad uu ku boorinaayo in la ilaalilayo midnimada sacuudiga.

Ka dib markii beeycada uu la galay muftiga sacuudiga dhaxal sugaha ayaa iyagana dhankooda odayaasha qabiilada waxa ay beeca la galeen dhaxal sugaha cusub.

arintani ayaa timid ka dib markii boqorka xilka haya dalka sacuudiga uu badalay qaabkii ay ku socotay boqortooyada isagoo dhaxal suge ka dhigay wiilkiisa MOHAMED bin salmaan

FADLAN QEYBTA HOOSE KU DHIIBO ARAGTIDAADA
La Wadaag Asxaabtaada