MUUQAAL: Xildhibaan Jeesow oo Xanaaq kaga baxay Shirkii Lagu Ansixiyay wasiirada & Cadaadis xoogan oo…

-

Kulankii ay maanta Xildhibaanada Soomaaliya ku yeesheen Magaalada Muqdisho ee lagu ansixiyey golaha wasiirada cusub ayaa waxaa ka dhacay muran iyo qeelo ay sameeyeen qaar kamid ah Xildhibaanada Soomaaliya.
Daahir Amiin Jeesow oo kamid ah Xildhibaanada Soomaaliya ayaa halkaas ka sameeyey arrin geesinimo leh kadib markii uu diiday inuu fadhiisto intii uu socday kulankaas wuxuuna guddoomiye ku xigeynka koowaad Muudey oo shir guddoominayey ku amray inuu fadhiisto.
Jeesoow ayaa muran badan ka dib sheegay inuu kulanka isaga baxayo taasoo keentay inuu guddoomiye Ku xigeynka Baarlamaanka Muudey u sheego inuu isaga baxo kulanka, waxaana halkaas isaga baxay jeesow .
https://www.youtube.com/watch?v=czXoTI5YEsc
Xildhibaan Jeesow ayaa kamid ahaa xildhibaanada sida weyn uga soo horjeeday in la ansixiyo golaha wasiirada, wuxuuna ku doodayey inaan golaha wasiirada codka kalsoonida loo qaadin.
Muudeey oo guddoomiyaha baarlamaanka ahaa kulankaan ayaa muujiyey kalsooni iyo ad adeeg , waxayna xildhibaanada qaar ka doonayeen in ansixinta golaha wasiirada dib loo dhigo, kaliyana codka ansixinta loo qaado qorshaha dowladda.
Gudoomiyaha ayaa amray in cod loo qaado haddii kulanka maanta kaliya uu ahaan doono mid lagu dhageysto qorshaha xukuumadda codka loo qaado qorshahaas, iyo haddii lagu darayo ansixinta golaha wasiirada.
Codka loo qaaday arrintaas ayaa 222 Xildhibaan aqbaleyn in la isku daro ansixinta qorshaha iyo wasiirada, halka ay diideyn 15 xildhibaan, waxaana ka aamustay 4 Xildhibaan.
Arrintaas ayaana noqotay mid buuq iyo muran ka dhaliso Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya, kadibna waxaa la dhageystay qorshaha xukuumadda cusub, waxana codka kalsoonida siisay golaha wasiirada iyo qorshaha xukuumadda 224 Xildhibaan, 15 Xildhibaan way diideyn, sidoo kalana 4 Xildhibaan ayaa ka aamustay.

Wararka U Dambeeyey

Yurub Oo Koronto La’aan Iyo Biyo La’aan Ka Cabaneysa!

XAQIIQO NEWS- WAR IYO DHAMMAANTIIS WARKA: Xilli dagaalka Yukrayn uu afar bil jirsaday, todobaadkan Putin waxaa uu jaray tubadii ugu...

Dameerkii Ugu Cod Qurxan Ayaa Guuleysanaya!

Magaalada San Andeero ee dalka Kolombiya sanad walba waxaa lagu qabtaa tartan cajiib ah oo u gaar ah "dabaaldagga...

Hadii Aad Ku Hurudo Qol Iftiin Leh..Iska Jir Halistan Caafimaad

Albaabada iska xir, daaqadaha soo laab ka hor inta aadan isku tuurin firaashka waa talada ay bixineyso daraasad cusub...

Ikhwaanu Muslimiin Arooskooda Eeyaa La Qalaa

Waxaan ku jirnaa maalmaha "Hilba waradka(ayaamu tashriiq) ee ciida weyn ee muslimiinta, aniga oo niyadda ku haaya fadliga maalmahaas...

Daawo..Mareykanka Dabaaldagii Xoriyadda Oo Toogasho Ka Bilaabatay

Muuqaalka baraha bulshada la soo dhigay waxaa lagu arkayaa dad kala cararaya meel ay ka socotay dabaaldaga maalinta xoriyadda...

Hormuud Oo Webseetyada Turkiga Xanibtay..Waa Tan Sababta

Bankiga dhexe ee Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay in bankiyo caalami ah xarun ka furanayaan Soomaaliya, waxaana ugu weyn bankiga...