Muuqaal:Gabar Dhaheyso”Aabahey mar walbo Galmo ayuu ila sameeyaa” iyo Sheikha Oo jabaabtiisa dad badan ka Xanaaqeen

La Wadaag Asxaabtaada

Waxaa baraha bulshada sida facebook iyo tuwiter-ka layskugu gudabinaayey muuqaal sheikh daaci ah oo gabar masaari ah ay la soo xariireyso waxaana gabadha sheikha ay ka dalbaneysaa in uu ka caawiyo dhaqamada Aabaheed oo ah kuwa aad u xun xun oo ay u dulqaadan weysay.

Gabadhan oo qadka taleefoonka kala soo xariirtay barnaamijka”“الدين والحياة”(nolasha iyo diinta) ee ka baxa Tv-ga “الحياة” ayaa tiri””: “Aabahey waxa uu soo fiirsanaya filimada Sex-ka(galmada) ka dib waxaa uu iga dalbanayaa in aan galmo la sameeyo mar marka qaar waan aqbalaa mar marka qaarna waan diidaa markii aan diido si xun ayuu ila dhaqmayaa wax badan ayaan waaniyey laakin waxba kama soo qaadin gabdhaha ila dhashay arintaasi ayey ku naceen oo mar hore xariirka ayey u jareen laakin aniga ma aqaano wax aan sameeyo”

dhankiisa ayaa waxaa uu ku jawaabay sheikh mohamed Wuhdaan oo su,aasha la weydiiyey”aabahaa faraha ka qaad u dul qaado maxaa yeelay waa qofkii mas,uulka ka ahaa in aad aduunka joogto adiga dartaa ayuu i dhiboodaa waxaan hubaa in uu dhaqamadan la soo baxay markii uu waayey hooyadaa(xaaskiisa) hadii gabdhaha kula dhashay ay xariiirka u jareen adiga dul qaado inta aad awooddo ilaah ka baray in uu samirkaga badiyo” waxaa uuna sheikha daaciga ah daliil u soo qaatay
““فلا تقل لهما أف ولا تنهرهما وقل لهما قولًا كريمًا. واخفض لهما جناح الذل من الرحمة وقل رب ارحمهما كما ربياني صغيرًا
“Ha ku dhihin labadaada waalida “Uf” ha canaanan kuna dheh hadal wanaagsan” “u raarici garabka duliga iyo naxariista dhehna ilaahow u naxariisa sida ay isoo barbaariyeen anigoo yar”

Dad badan oo muuqaalka daawaday ayaa daleeceeyey jawaabta sheikha iyagoo sheegay in ay tahay jawaab”iska dheh ah”
waxaana dad qaar ay soo qoreen komenti ah “ Sheekh wanaagsan badannaa !”

FADLAN QEYBTA HOOSE KU DHIIBO ARAGTIDAADA
Like
Like Love Haha Wow Sad Angry
La Wadaag Asxaabtaada