Wararkii ugu danbeeyay ee Qaraxii weynaa oo ruxay magaalada Muqdisho ayaa sheegaya inuu dhaliyay qasaare xoog leh.
Qaraxa oo loo adeegsaday Gaari weyn oo xamuul ah ayaa ahaa kii ugu weynaa ee muddooyinkan ka dhaca magaalada, waxaana lala beegsaday Hotelka Safari ee ku yaalla KM5 agagaarka Zope.
Wararkii ugu danbeeyay ayaa sheegaya in dad badan ogoobta ku sugnaa ay dhimasho iyo dhaawac kasoo gaareen, iyadoo laga cabsi qabo in qasaare uu si weyn u kordho.
Weli waxaa socda uurada iyo qiiqa ka dhashay qaraxa, waxaana la maqlay rasaas dhacday kadib qaraxa, iyadoo ay goobta xiran tahay oo ciidamo faro badan ay goobtaasi tageen
https://www.youtube.com/watch?v=YcpJNmWRtjA