Muuse Suudi oo Shir u qabtay Beesha hawiye iyo War ka soo baxay Kulanka#aqriso warbixin

-

Kulan looga hadlayo maqaamka magaalada Muqdisho iyo xuquuqda ka maqan Gobolka Banaadir oo ay isugu yimaadeen Odayaal iyo siyaasiyiin ka soo jeeda beelaha Hawiye ayaa maanta ka dhacay Muqdisho.
Kulankan oo ahaa kii labaad ee noociisa ah ayaa waxaa soo abaabulay Senator Muuse Suudi Yalaxow oo ka tisan Aqalka sare, waxaana ka qeyb galay Nabadoonada, waxgaradka, odayaasha iyo siyaasiyiinta ka soo jeeda beelaha Hawiye qaarkood.
Waxaa shirka ku sugnaa  qaar ka mida xildhibaanada labada gole ee beesha Hawiye.  iyadoo dowladda Soomaaliya looga codsaday in Maqaamka Muqdisho xal loo helo isla markaana madaxweynahaa iyo guddoomiyaha G/Banaadir looga fadhiyo arrintaasi.
Ka qeybgalayaasha shirka ayaa ku dooday inuusan shirku ahayn mid lagu mucaaradayo dowladda ama cid kale balse uu yahay shir lagu raadinayo xaqa ka maqan Gobolka Banaadir.
Muuse Suudi ayaa si weyn uga horjeeda dowladda madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisal wasaare Kheyre, taasoo ka dambeysay markii xilka laga qaaday guddoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir.

Wararka U Dambeeyey

Yurub Oo Koronto La’aan Iyo Biyo La’aan Ka Cabaneysa!

XAQIIQO NEWS- WAR IYO DHAMMAANTIIS WARKA: Xilli dagaalka Yukrayn uu afar bil jirsaday, todobaadkan Putin waxaa uu jaray tubadii ugu...

Dameerkii Ugu Cod Qurxan Ayaa Guuleysanaya!

Magaalada San Andeero ee dalka Kolombiya sanad walba waxaa lagu qabtaa tartan cajiib ah oo u gaar ah "dabaaldagga...

Hadii Aad Ku Hurudo Qol Iftiin Leh..Iska Jir Halistan Caafimaad

Albaabada iska xir, daaqadaha soo laab ka hor inta aadan isku tuurin firaashka waa talada ay bixineyso daraasad cusub...

Ikhwaanu Muslimiin Arooskooda Eeyaa La Qalaa

Waxaan ku jirnaa maalmaha "Hilba waradka(ayaamu tashriiq) ee ciida weyn ee muslimiinta, aniga oo niyadda ku haaya fadliga maalmahaas...

Daawo..Mareykanka Dabaaldagii Xoriyadda Oo Toogasho Ka Bilaabatay

Muuqaalka baraha bulshada la soo dhigay waxaa lagu arkayaa dad kala cararaya meel ay ka socotay dabaaldaga maalinta xoriyadda...

Hormuud Oo Webseetyada Turkiga Xanibtay..Waa Tan Sababta

Bankiga dhexe ee Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay in bankiyo caalami ah xarun ka furanayaan Soomaaliya, waxaana ugu weyn bankiga...