Sanadka markuu ahaa 2014-kii waxa ay aheyd markii haweeneyda lagu magacaabo Mary Beth ay dalbtay shaqo kordhin, hase ahaate uma aysan heysanin in dalabkaasi uu soo afjari doono 12 sano oo xiriir shaqo-wadaag ay la laheyd asaasaha shirkadaha Tesla iyo Space X bilyaneerka caanka ah ee Elon Musk.
XAQIIQO NEWS- BARAHA BULSHADA
Mary Beth Brown waxa ay la shaqeyneysay Tesla muddo 12 sano ah, si adag ayey ula shaqeysay iyada oo safara hori iyo gadaal ku mari jirtay inta u dhaxeysa Los angles iyo Sillicon Valley todobaad walbo, waxa ay shaqeyn jirtay ilaa waqtiyada dambe habeenkii.
Waxa ay gacanta ku heysay jadwalka Elon labadiisa shirkadba (Space X iyo Tesla), waxa ayna qeyb libaax ka geysan jirtay go’aanadiisa ganacsiga la xariira.
Sanado badan ayey Brown aheyd qofka cuntada u diyaarisa Musk, qofka isku daba rida ballamahiisa ganacisga, qofka hagaajisa dharkiisa, waxa ayna 12 sano oo xiriir aheyd “caawiye daacad ah”.
Shaqadaada uma baahni
Brown waxa ay dalbatay “shaqo kordhin” waxa ayna rabtay in loo magacaabo boos sare, iyada oo rajo fiican qabta ayey codsatay in lagu daro gudiga sare ee fulinta shirkadaha Space X iyo Tesla.
Maxaad fileysaa in Muska uu jawaab uga dhigay?
Musk ayaa Brown ka dalbaday in ay qaadato fasax laba todobaad ah si uu u dareemo culeyska shaqadii ay iyada u heysay.
Muddo laba usbuuc ka dib markii ay xafiiska ku soo laabatay waxa uu ku wargeliyey in uusan u baahneyn shaqadeeda.
su’aasha ugu muhiimsan: muxuu Elon Muska shaqada uga ceyriyey Brown,madaama uusan wax dhib iyo culeys ah uusan ku arkin muddadii 12-ka sano ee aay la shaqeyneysay?
Elon Muska oo su’aasha ka jawaabaya ayaa isku difaacay in Brown uusan isaga ceyrinin balse uu u soo bandhigay boos shaqo kale oo la mishaar ah meeshii ay joogtay balse iyada ay diiday oo go’aansatay in ay iska tagto.
Dadka qaar ayaa bilyineerka ku eedeeyey in “mishaar kordhin” darteed uu shaqada kaga ceyriyey qof qaaraan badan kulaheyd gobaca shirkadahiisa Spacex iyo Tesla.