Muxuu Farmaajo Ugu Mahadceliyey Rooble?

La Wadaag Asxaabtaada

Rooble ayaa ku guuleystay in si guul ah u soo dhammeeyo mid ka mid ah shaqooyinkii loo idmaday, waxaana heshiis lagu gaaray in doorasho lagu qabto gudaha Soomaaliya mudduda 60 cisho gudahood.


XAQIIQO NEWS- WAR IYO DHAMMAANTIIS

………………………………………………………Warka……………………………………………………..

27 May waxaa magaalada Muqdisho lagu saxiixay heshiiska doorashooyinka kaasi oo si wadjir ah ay u aqbaleen maamu goboleedyada iyo madaxda DfF-ka.

…………………………………………………..Dhammaadka………………………………………………

Hoolka Shirka ka dhacay gudahiisa, waxa ay kaamirada qabatay Farmaajo iyo Rooble oo qoslaya iyaga oo sameynaya salaan gacan qaad ah.

Shaki iiguma jira in Farmaajo uu ku farxay qaabka uu shaqadiisa u qabsaday Rooble, laakiin waxa is weydiin mudan maxay yihiin qodoboada sida gaarka ah uga farxiyey Farmaajo, taasi oo ku kaliftay in hoolka dhaxdiisa uu ugu mahad celiyo Rooble.

Farmaajo waxaa uu ugu mahadcelinayaa Rooble, sababtoo ah Rooble waxa uu 4 todobaad gudahood ku guuleystay afar meelood oo muhiim ah.

Rooble, waxa uu markii ugu horeeyey ku guuleytay in uu ku qanciyo ciidamadii gadoodsanaa in ay ka baxaa fariisamihii ay joogeen.

Rooble ayaa dhanka kale ku guuleystay in uu ku qanciyo maamul goboleedyada oo dhan ka soo qeyb noqoshada Shirka Afisyooni.

Markii seddexaad ayuu Rooble is muujiyey, markii uu eragadii Somaliland ee gadoodsaneyd uu ku qanciyey ka soo qeyb galka shirka.

Ugu dambeyntii Rooble ayaa ku guuleystay in la gaaro heshiis uu isaga gar wadeen ka yahay.

FADLAN QEYBTA HOOSE KU DHIIBO ARAGTIDAADA
La Wadaag Asxaabtaada