Muxuu Isku Qarxiyey Ibaarhim Mucalimow?(Dhageyso codkiisa ka hor inta uusan is qarxin)

La Wadaag Asxaabtaada

Idaacada codka alshabaab ku hadasha ee Andalus ayaa baahisay kalimad ay ku magacabeen waxa ay ugu yeereen”dardaaran qayim ah” oo uu jeediyay mid ka mid ah raggii fuliyey isqarxintii lagu daahfuray weerarkii bariire ee lagu qaaday ciidanka dowladda.

Naftii hurahan oo lagu magacaabo Ibraahim Cabdullaah, kuna magac dheeraa (Macalimuu) ayaa isagoo hogaaminaya gaari miineysan bartanka ka istaagay xerada Bariire, isagoo halkaas ku dilay 40 ka mid ah ciidanka dowladda sida ay alshabaab sheegteen , wadadana u furay ciidankii goobta galay ee shabaabka ahaa.

Ka hor inta uusan isku qorin isqarxinta , wuxuu ka tirsanaa ciidamada alshabaab ee lagu magcaabo jabhadda gaar ahaan guutada alshabaab dhexdeeda loogu yaqaan”Fursaanta” ee gobolka shabeelaha Dhexe.
Halkan ka dhageyso Codkiisa ka hor inta uu is qarxin

FADLAN QEYBTA HOOSE KU DHIIBO ARAGTIDAADA
La Wadaag Asxaabtaada