Muxuu Kansarka Ugu Badan Yahay Wadamada Qaboobaha ah?

-

Daraasad ayaa dhawaan soo saartay natiijo “kadis ah” oo dood badan dhalisay ka dib markii ay sheegtay xiriirka ka dhaxeeya cudurka kansarka iyo jawiga qaboowga ah.

Xaqiiqonews-Caafimaad

Baarayaal ka tirsan jaamacadda “West Chester University” ee ku taal gobolka Pennsylvania ee Mareykanka ayaa xaqiijiyey in jiro xiriir “toos ah” uu ka dhaxeeya goobaha qabooobaha iyo roobka, iyo faafitaanka noocyo ka tirsan cudurka Kansarka.

Saynisyahanada ayaa horay u aaminsanaa fikir ah in falaaraha qoraxda ay sababaan kansarka maqaarka, hase yeeshee daraasaddan cusub ayaa farta eedda ku fiiqday qabowga iyo goobaha roobka in ay yihiin meelo kansarka ku badan yahay marka loo barbardhigo degaanada kuleelka ah.

Daraasadda ayaa tusaale u soo qaadatay heerka dhimashada kansarka e ee gobolada kala duwan ee Mareykanka, waxa ayna daraasaddu tiri gobolada ugu badan ee kansar loogu dhinto Mareykanka waa gobolada saaran xeebta bari ee aadka u qabow.

Sidoo Kale Aqri Robotkani Waxaa Lagu Daweyn Doonaa Kansarka..Fikrad Cusub

Inkastoo sababaha Kansarka ku yimaado ay fara badantahay, daarasadda ayaa “jawiga qabow” ka dhigtay mid ka mid ah asbaabaha kansarka.

Sidee Qabowga U Sababaa Kansar?

Sida Xaqiiqonews ay ka soo tarjuntay Medical News Today, jirkeenu waxa uu leeyahay difaac jireed ka hortagga cudurka Kansarka kaasi oo loo yaqaan T Cell, haddaba saynisyahanada ayaa aaminsan in difaaca “T Cell” uu aad u shaqeeya marka jawiga uu kululyahay.

Dhanka kale tijaabooyin lagu sameeyey noolayaal kansar qaba oo uu ka mid yahay dooliga ayaa lagu ogaaday in dooliga markii uu helo heerkul fiican oo gaaraya 38°C digrii in uu dareemo reereyn,waxaa sidaasi la mid ah bani’aadmiga, taasina waa sababta saynisyahanada ay u xiiseynayaan in ay ogaadaan xiriirka ka dhaxeeya KAnsarka iyo Jawiga Qabow.

Wararka U Dambeeyey

Yurub Oo Koronto La’aan Iyo Biyo La’aan Ka Cabaneysa!

XAQIIQO NEWS- WAR IYO DHAMMAANTIIS WARKA: Xilli dagaalka Yukrayn uu afar bil jirsaday, todobaadkan Putin waxaa uu jaray tubadii ugu...

Dameerkii Ugu Cod Qurxan Ayaa Guuleysanaya!

Magaalada San Andeero ee dalka Kolombiya sanad walba waxaa lagu qabtaa tartan cajiib ah oo u gaar ah "dabaaldagga...

Hadii Aad Ku Hurudo Qol Iftiin Leh..Iska Jir Halistan Caafimaad

Albaabada iska xir, daaqadaha soo laab ka hor inta aadan isku tuurin firaashka waa talada ay bixineyso daraasad cusub...

Ikhwaanu Muslimiin Arooskooda Eeyaa La Qalaa

Waxaan ku jirnaa maalmaha "Hilba waradka(ayaamu tashriiq) ee ciida weyn ee muslimiinta, aniga oo niyadda ku haaya fadliga maalmahaas...

Daawo..Mareykanka Dabaaldagii Xoriyadda Oo Toogasho Ka Bilaabatay

Muuqaalka baraha bulshada la soo dhigay waxaa lagu arkayaa dad kala cararaya meel ay ka socotay dabaaldaga maalinta xoriyadda...

Hormuud Oo Webseetyada Turkiga Xanibtay..Waa Tan Sababta

Bankiga dhexe ee Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay in bankiyo caalami ah xarun ka furanayaan Soomaaliya, waxaana ugu weyn bankiga...