Muxuu M.farmaajo sidan u sameeyey”arin shaki gelin karta go,aan qaadashadiisa” Aqri xog

La Wadaag Asxaabtaada

[google_ad data_ad_slot=” data_ad_format=’auto’]
Wararka laga helayo xafiiska Guddoonka Baarlamaanka ayaa sheegaya in la joojiyay kulan caawa dhex mari lahaa xildhibaanada labada aqal ee Baarlamaanka iyo madaxweynaha cusub.

Kulanka oo ahaa casho sharaf uu madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo ugu talogalay inuu u qabto xildhibaanada labada gole oo lagu maamusayo doorashadii ay xilka madaxweynaha dalka u doorteen ayaa saacadihii ugu danbeeyay la baajiyay.

Farriimo loo kala diray xildhibaanada ayaa guddoonku ku sheegay in kulankaasi uu baaqday duruufo jira awgood, isla markaasina dib laga soo sheegi doono wixii soo kordha, iyadoo aan wax faahfaahin dheeraad ah laga bixin.

Xildhibaanada qaar ayaana arintan aad kaga xumaaday iyagoo ku tilmaamay mid shaki ku keeni karto awoodda go,aan qaadashada madaxweyne farmaajo  maadaama uu baaqday kulan uu damacsanaa madaxweynaha,

waxa ayna ku doodayaan xildhibaanada in ay jiraan shaqsiyaad ku qasbay farmaajo in uu baajiyo kulanka
[google_ad data_ad_slot=” data_ad_format=’rectangle’]

FADLAN QEYBTA HOOSE KU DHIIBO ARAGTIDAADA
La Wadaag Asxaabtaada