Muxuu Qirtay Muxuuse Inkiray Yaasiin Fareey

-

WARKA: Wareysi socday wax ka badan nus saac oo si bablik ah loo shaaciyey ayuu Yaasiin Fareey kaga hadlay arinta Ikraan Tahliil iyo eedeymo kale oo la soo jeeediyey intii uu haayey xilka NISA.


DHAMMAADKIISA: Wareysiga Fareey ayaa horudhac u ah wareysiyo kale oo ay bixin doonaan eedeysanayaal ka tirsan NISA kuwaasi oo loo heysto falal dhacy intii ay xukunka haayeen.

Dadka NISA ka tirsan ee lagu wado in ay hadlaan waxaa ka mid ah Fahad Yaasiin oo lagu tilmaamo ninka iskaleh fikraddii ka dambeysay falalka NISA ay ku kaceysay.

Qirasho

Yaasiin Fareey ayaa qirtay in hay’adda NISA ay waxyeeleyso dad rayid ah isaga oo u sababeeyey in aan la kala saari karin shacabka iyo kooxaha la raadinaayo-sida uu hadalka u dhigay.

Dhanka kale Yaasiin Fareey ayaa qiray in hay’adda ay dambiyo gashay inta uusan isaga xilka qabanin, gaar ahaan weerarkii lagu qaaday guriga CCW, waxa uuna Fareey ku gaabsaday “wey dhici karaan waana wax aniga iga horeeyey aniga waxaan ka hadli karo waa wixii aan u soo joogay ama aan mas’uulka ka ahaa”.

Marka laga soo tago qiraalada kooban ee Yaasiin Fareey ka soo baxsaday waxa uu dhinaca kale inkiray eedo iyo dambiyo loo soo jeediyey NISA iyo kuwa isaga si gaar ah loogu jeediyey.

Inkirid

Yaasiin waxa uu gabi ahaanba inkiray in kiiska Ikraan Tahliil ay ku lug laheyd NISA, waxa uuna markale ku celiyey halheyska NISA ee ahaa “waxaa dilay argigixisada”.

Yaasiin Fareey oo mar sheegey in ay haayaan xog ku saabsan in Ikraan ay afduuubteen oo ay dileen wax uu ugu yeeray “argigixisada” ayaa markale inkiray in ay ogyihiin wax ku saabsan meeshii ay martay iyo halkii laga watay isaga oo yiri “waxaan sameynay baaritaan meel ay martay ama meel laga watay haba yaraatee oo aan ognahay ma jirto.

Yaasiin Fareey waxyaabaha uu inkiray waxaa ka mid ahaa in qaar ka mid ah askartii loo qaaday Ereteriya ay dhinteen, iyada la ogyahay in xunbo ka tirsan DF-ka ay qirteen dad ku dhintay tababarka.

Fareey ayaa su’aashii ugu muhiimsaneyd su’aalaha oo dhan ku tilmaamay markii la weydiyey “hadii ay jiraan dambiyo uu si ku tala gal ah u sameeyey ama si gama ah uga dhacay oo uu ka qowmameynaanyo”, waxa uuna ku jawaabay “ma jirto wax ku tala gal ah oo go’aankeyga ama amarkeyga uga halaabay shacabka Soomaaliyeed”

Wareysiga Yaasiin Fareey ayaa imaanaya xilli hay’adda uu ku yimid isbadal iyada oo la filaayo in hogaanka cusub bilaabo baaris ku saabsan kiisaska iyo falalkii dhacay 5-ti sano ee la soo dhaafay.

Wararka U Dambeeyey

Jeesow Oo Sheegay In Qabiil Noqon Doonta Hadii La Isku Tuurtuura Dilka Ikraan Tahliil

Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow ayaa si carro leh uga hadlay arinta Ikraan Tahliil, waxaa uuna ku celiyey in Ikraan...

Fahad Yaasiin Oo Si Aan La Dareemin U Qirtay Dilkii Ikraan Tahliil !

WARKA: Eedeysanihii ugu weynaa ee loo heystay dilka Ikraan Tahiil Fahad Yaasiin ayaa markii ugu horeysay si bablik ah...

Shiikh Sheegay In Israa’iil Ay Jinni U Isticmaasho Basaasidda Iiraan!

Xujutul-Islaam Naqiya Buurfar oo ah wadaad diimeed ahna ustaad jaamacadeed ayaa Tilifishinka Iiiraan ka sheegay in Israa'iil ay adeegsato...

Maxaa La Sameeyaa Markii Aadan Lacag Heysan?

in aad dareento baahi lacageed waa mushkilad caalami ah waana arin caadi oo dadka oo dhan ku dhacda ugu...

Muxuu Qirtay Muxuuse Inkiray Yaasiin Fareey

WARKA: Wareysi socday wax ka badan nus saac oo si bablik ah loo shaaciyey ayuu Yaasiin Fareey kaga hadlay...

RW Israa’iil Biniit Oo Yiri Waxaan Ku Dhownahay Burbur!

Ra'iisal wasaaraha Israa'iil Naftaali Biniit ayaa niyad xumo ka muujiyey mustaqbalka Yahuudda,waqti dalkaasi uu wajahaayo kala qeybsanaan baahsan oo...