Muxuu U Dhididay Mahad Salaad Intii Uu Socday Shirkii Jaraa’id ?

La Wadaag Asxaabtaada

Xaaladda magaalada Muqdisho ayaa u muuqato mid kacsan, waxaana jiro abuubulo kala duwan oo ay dhinacyada iska horjeeda ay ka wadaan gudaha magaalada.


XAQIIQO NEWS- WARARKA GUDAHA

Sarkaal dowladda ka goostay oo lagu magacaabo Saadaq Joon ayaa xarumo iyo fadhiisin ciidamo ka sameystay xaafadda Shiirkole Ofishiyaale ee degmada Hodan, halka Df-ka ayaa isku dayeysa in Joon gacanta ku soo dhigto.

Xaaladda ayaana cirka isku sii shareertay markii goobta Saadaq joon uu joogo ay tageen xildhibaano iyo mas’uuliyiin isku heyb yihiin kuwaasi oo sheegay in ay difaaci doonaan “wiilkooda”.

Xildhibnaada goobta tagay waxaa ka mid ahaa Mahad Salaad oo sheegay in Farmaajo, Fahad iyo Biixi ay dullaan ku yihiin dadka uu isaga matalo- waa sida uu hadalka u dhigaye.

Dadka isticmaala baraha bulshada oo aad uga falceliyey hadalka ka soo yeeray Xil- Mahad Salaad, qaarkood ayaana is weydaarsaday sawika Mahad Salaad oo dhididaya, intii uu socday shirkii xalay.

“Ka waran hadii dagaal uu dhaco, hadda ayuuba dhididayaa” ayuu yiri mid ka ah dadka ka falceliyey sawirka Mahad Salaad.

FADLAN QEYBTA HOOSE KU DHIIBO ARAGTIDAADA
Like
Like Love Haha Wow Sad Angry
La Wadaag Asxaabtaada