Muxuu Wasiirka Amniga U Xirtay Wadadii Siyaad Barre Uu Ku Baxsday 1991-kii ?

-

Xiisad culus oo ka dhalatay khilaafka Farmaajo iyo Rooble ayaa ka taagan magaalada Muqdisho, iyada oo laga cabsi qabo in saacad walbo ay xiisadaasi isku badali karto gacan ka hadal.


XAQIIQO NEWS- WARARKA GUDAHA

Khilaafka Cusub ayaa salka ku haaya ka dib go’aano madaxtooyada ka soo baxay oo la iskugu dayey in shaqada laga joojiyo ra’iisal wasaaraha xil gaarsiinta.

Madaxtooyada ayaa shaqo ka joojinta Rooble ku micneysay in ra’iisal wasaaraha uu ku fashilmay dhameystirka iyo dardargelinta doorashada.

Goor sii horeysay oo saakay ah ayaa ciidamo ka amar qaata madaxweynaha waqtigiisa dhammaday isku dayeen in ay hor istaagaan ra’iisal wasaaraha xil gaarsiinta kaasi oo markii dambe xafiiskiisa ku tagay lug.

Dadka madaxtooyada laga hor istaagay waxaa ka mid ah wasiir amniga Cabdullaahi Maxamed Nuur oo gabi ahaanba saakay laga celiyey in uu halkaasi gudaha u galo.

Dhinaca kale waxa ay wararku sheegayaan in ciidamo badan oo daacad u ah wasiirka amniga ay xirteen wadada ceelgaabta oo ka mid ah waddooyinka muhiim ah ee madaxtooyada looga baxo.

Wadada Ceelgaabta ayaa aheyd halkii madaxweynihii hore Siyaad Barre uu kaga baxsaday Jabahadii USC oo hareereysay madaxtooyada bishii Jnaayo sanadkii 1991-kii.

Wararka U Dambeeyey

Yurub Oo Koronto La’aan Iyo Biyo La’aan Ka Cabaneysa!

XAQIIQO NEWS- WAR IYO DHAMMAANTIIS WARKA: Xilli dagaalka Yukrayn uu afar bil jirsaday, todobaadkan Putin waxaa uu jaray tubadii ugu...

Dameerkii Ugu Cod Qurxan Ayaa Guuleysanaya!

Magaalada San Andeero ee dalka Kolombiya sanad walba waxaa lagu qabtaa tartan cajiib ah oo u gaar ah "dabaaldagga...

Hadii Aad Ku Hurudo Qol Iftiin Leh..Iska Jir Halistan Caafimaad

Albaabada iska xir, daaqadaha soo laab ka hor inta aadan isku tuurin firaashka waa talada ay bixineyso daraasad cusub...

Ikhwaanu Muslimiin Arooskooda Eeyaa La Qalaa

Waxaan ku jirnaa maalmaha "Hilba waradka(ayaamu tashriiq) ee ciida weyn ee muslimiinta, aniga oo niyadda ku haaya fadliga maalmahaas...

Daawo..Mareykanka Dabaaldagii Xoriyadda Oo Toogasho Ka Bilaabatay

Muuqaalka baraha bulshada la soo dhigay waxaa lagu arkayaa dad kala cararaya meel ay ka socotay dabaaldaga maalinta xoriyadda...

Hormuud Oo Webseetyada Turkiga Xanibtay..Waa Tan Sababta

Bankiga dhexe ee Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay in bankiyo caalami ah xarun ka furanayaan Soomaaliya, waxaana ugu weyn bankiga...