Muxuu Xasan Shiikh Usoo Dhaweeyey Ciidanka Mareykanka?

-

Maalin ka dib markii Xasan Shiikh loo dhaariyey madaxweynenimada, Biden ayaa oodda ka qaaday go’aan sii qorsheysnaa oo ciidanka Mareykanka dib loogu celinaayo Soomaaliya.


XAQIIQO NEWS- WARARKA GUDAHA

Qaladkii ugu horeeyey ee Xasan Shiikh uu galo markii dib loo doortay waa sida fudud ee u soo dhaweeyey in ciidamo shisheeya ah dalka la keeno-sida ay aaminsanyihiin khubarrada amaanka iyo siyaasadda.

Khubarrada oo kaliya ma ahan kuwa Xasan u arka wadadii Mareykanka uu Soomaaliya ka soo gali lahaa, waa tan Elizabeth Shackelford oo ah diblomaasi sare oo ka tirsan arimaha dibadda Mareykanka waxa ay soo laabashada Xasan Shiikh ku tilmaamtay “fursad” uu Mareykanka kaa faa’ideysan karo si uu dib u habeyn ugu sameeyo danihiisa.

Elizabeth Shackelford oo ah haweeneyda qortay buugga “diboomaasiyadda Mareykana ee waqtigan nifaaqa(American Diplomacy in a Dishonest Age)” waxa ay leedahay Xasan Shiikh waxa uu noo badali karaa Ashraf Ghanigii Afghanistaan, maqaal ay ku qortay wargeyska Chicago Tribune.

Inkastoo Mareykanka uu ku doodaayo “la dagaalanka argigixisada”, haddana Elizabeth Shackelford waxa ay leedahay Al-shabaab halis toos kuma ahan ammaanka dalkeena hooyo ee Mareykanka.

Dhanka kale, waxaa baraha bulshada ka bilowday kacdoono ay dadka kaga soo horjeesanayaan duulaanka Mareykanka ee Soomaaliya, waxaana Tuwiterka lagu baahiyey sawirrada ficillo ay ciidanka Mareykanka ka geysteen Soomaaliya.

Afrikan foorum ayaa baahiyey sawirrada askar Mareykan ah oo dad gumaadaya iyaga oo ku dul qoray “Qaabka Mareykanka uu Soomaaliya dhaxdeeda uga faafinaayo dimoqaraadiyadda”.

Wararka U Dambeeyey

Yurub Oo Koronto La’aan Iyo Biyo La’aan Ka Cabaneysa!

XAQIIQO NEWS- WAR IYO DHAMMAANTIIS WARKA: Xilli dagaalka Yukrayn uu afar bil jirsaday, todobaadkan Putin waxaa uu jaray tubadii ugu...

Dameerkii Ugu Cod Qurxan Ayaa Guuleysanaya!

Magaalada San Andeero ee dalka Kolombiya sanad walba waxaa lagu qabtaa tartan cajiib ah oo u gaar ah "dabaaldagga...

Hadii Aad Ku Hurudo Qol Iftiin Leh..Iska Jir Halistan Caafimaad

Albaabada iska xir, daaqadaha soo laab ka hor inta aadan isku tuurin firaashka waa talada ay bixineyso daraasad cusub...

Ikhwaanu Muslimiin Arooskooda Eeyaa La Qalaa

Waxaan ku jirnaa maalmaha "Hilba waradka(ayaamu tashriiq) ee ciida weyn ee muslimiinta, aniga oo niyadda ku haaya fadliga maalmahaas...

Daawo..Mareykanka Dabaaldagii Xoriyadda Oo Toogasho Ka Bilaabatay

Muuqaalka baraha bulshada la soo dhigay waxaa lagu arkayaa dad kala cararaya meel ay ka socotay dabaaldaga maalinta xoriyadda...

Hormuud Oo Webseetyada Turkiga Xanibtay..Waa Tan Sababta

Bankiga dhexe ee Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay in bankiyo caalami ah xarun ka furanayaan Soomaaliya, waxaana ugu weyn bankiga...