Haweeney ku nool Jasiiradda Bali ee Dalka Indonesia, ayaa iska goysay cabidda biyaha muddo sanad kaamil ah sabab caafimaad awgeed.
Xaqiiqonews-Saynis-Caafimaad
Sophia partick, oo ah haweeyney 35 jir ah ayaa soo bilowday waxan loo yaqaan “soonka qalalan” sanad ka hor, waxa ayna sheegtay in natiijadu ay noqotay mid cajiib ah.
sophia ayaa sheegtay in ay heshay faa’idooyin badan oo caafimaad, waxa ay ka bogsatay bararkii indhaha iyo kala goysada, dhibaatooyinkii maqaarka iyo waliba xasaasiyaddii ay ka qaadi jirtay cuntooyinka qaar.
Sida Xaqiiqonews ay ka soo xigatay Daily Mail, sophia waxa ay sheegtay in xaalkeedu uu hadda wanaagsanyahay ka dib muddo sanad ah oo sameysay “soonka qalalan”.
Sidoo Kale Aqri..Wixii Hore Oo Dhanba Ka Daran..Waa Tee Naagta Gaduudan?
“Soonka qalalan” ayaa lagu tilmaamaa in uu ka mid yahay daawooyinka, waana qofka oo ka sooma biyaha iyo cuntadda mudd 12 saacad ah maalinkii, taasi oo jirka ka caawineysa in uu ka takhaluso wixii sun ah.