Wakaaladda Mareykanka u qaabilsan Xiddgiska ee Marka magaceeda la soo gaabiyo loo yaqaan NASA ayaa sii faalisay cabsi ka taagan in uu burbur ku yimaado meeraha aynu ku noolnahay ee Dhulka.
Xaqiiqonews-Saynis/Xiddigiska
Wariyaha BBC-da ee qaabilsan barnaamijka Sayniska, iyo Barfasoor Brian Cox oo macalin Fisikis ka ah koleejka (University of Manchester’s College of Physics and Astronomy,) ayaa digniin ka soo saaray waxa y ugu yeereen “Halis soo socoto” oo laga cabsi qabo in ay dhacdo mustaqbalka.
Sanadkii 2010 waxaa la sheegay in qoraxda ay dhalaali doonto, madaama uu si joogta ah u gubanaayo Hydrogene-ka ay ka goobantahy qoraxda.
Gubashada ayaa sii socon doonto sida ay sheegeen ugu yaraan 5 bilyan oo sano laakiin ugu dambeyn qoraxda waa ay dhamaan doontaa sida ay ku doodayaan Saynisyahanada.
Sidoo Kale Aqriso: Saacadda-qiyaame-oo-soo-dhawaatay-iyo-nasa-oo-leh-welwel-ma-jiro
si kastaba ha ahaate Dhawaan ayaa NASA waxa ay shaaca ka qaatay cilmi baaris “lagu wareeray” oo sheegeysa in ay jiraan kawaakib badan oo dhulka ku soo dhawaanaya.
NASA ayaa sheegtay in kowkabka lagu magacaabo (2006 QQ23 ) uu u soo dhawaan doono dhulka isagoo u jirsan doono oo kaliya (4.6 million miles) bishan Agoosto dhexdeeda, arintaaso oo laga yaabo in bubur ku keento qeybo ka mid ah dhulka.