NASA Oo Damacsan In Ay Ban’aadam Geyso Mars Safar Seddex Bil Ah

-

In safar lagu gaaro meeraha Mars kaasi oo naga fog qiyaastii 140 milyan oo mile ma ahan arin fudud, Mars waxa uu ka qabowyahay cirifka koonfureed ee ugu qabow dhulka Antarctica, sidoo kale Mars oo aan laheyn Oksijiin ku filan wey adagtahay in ban’aadamka ay la qabsadaan.


XAQIIQO NEWS- XIDDIGSIKA

Mar walbo oo safarada cirka loogu baxaayo ay yihiin kuwa waqti dheer qaata waxaa bata halista, sidaa darteed saynisyahanada waxa ay raadinayaan qaabab lagu yaren karo waqtiga lagu tagaayo Mars.

Shirkada “Ultra Safe Nuclear Technologies” ee fadhigeedu yahay Seattle ayaa soo bandhigtay gantaal ku shaqeynaya xoogga nukliyeerka kaasi oo suuragal ka dhigi kara in Mars lagu tago muddo seddex bilood oo kaliya -sida ay qortay shabakadda CNN.

Hadda, safarada markab xiddigeedyada Mars ay ku tagaan waxa ay qaadataa 7 bilood.

Gantaalada Nukliyeerka

Michael Eades, oo ah maamulaha qeybta ijineeriyadda ee shirkadda “Ultra Safe Nuclear Technologies” waxa uu leeyahay gantaalada ku shaqeeya awoodda nukliyeerka ayaa ka xoog badan kana fiican laba jibaar matoorada kimikada ku shaqeeya ee maanta la adeegsado, taasi oo ka dhigan in ay gantaalada nukliyeerka soo gaabin karaan safarkii dheeraa.

Gantaalada Nuklieerka waxa ay badanaa adeegsadaan Falkale nukliyeer si ay dab uga dhaliyaan shidaalka Uranium-ta, awoodaas kuleylka ah ayaana gubeysa Hydrogen-kia dareeraha ah kaasi oo marka dambe isku badalaaya hawo leh tuuris aad u xoog badan.

Sidoo kale Aqri: Meeraha Mars Waxa Uu Leeyahay Waji Farxad!

Dhacdo kale oo arintani xiriir la leh: wakaaladda NASA ayaa dhawaan baahisay muuqaal heer sare ah oo laga soo qaaday meeraha Mars, muuqaalka waxaa duubay kaamirooyinka ku xiran markab xiddigeedka Curiosity Rover kaasi oo Mars dushiisa gaaray 6-dii Agoosto 2012 .

Halkan hoose Ka Daawo Muuqaalka

Wararka U Dambeeyey

Guusha X S N M X M D

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud ayaa loo doortay madaxweynaha Soomaaliya doorasha ka dhacday teendhada Afisyooni ee magaalada...

Cilmi Baaris..Dhimashada Ka Dib Ishu 5 Saac Ayey Wax Sii Arki Kartaa!

Baaris lagu sameeyey indhaha dad dhintay oo horay xubnahooda ugu deeqay in cilmi baaris lagu sameeyo ayaa waxaa lagu...

Waa Kan Cudurkii Uu U Dhintay Xaakimka Imaaraatka SH. Khalifa Bin Zaayed

Waxaa geeriyooday Madaxweyihii Imaaraatka carabta Shiikh Khalifa Bin Zayed Aala Nahyaan oo ahaa 73 jir, sida ay shaacisay Wakaaladda...

Mar Hadey Doorasho Tahay Qof Walba In Uu Soo Baxo Filo

Qof walbo waxa uu filayaa soo bixitaanka musharixiisa uu jecelyahay, balse waxaan la iska indha tiri karin mar hadii...

Ruushka Oo Sheegay In 30 Daqiiqo Kaliya U Baahanyahay Si Uu U Burburiyo Dowladaha NATO!

Maamulaha wakaaladda hawada sare u qaabilsan Ruushka ninka lagu magacaabo Dmitry Rogozin ayaa sheegay in dalkiisa u baahanyahay oo...

Doorashada 15-ka May..Maxaa Ugu Muhiimsan?

XAQIIQO NEWS- WAR IYO DHAMMAANTIIS WARKA:15-ka bishan aynu ku jirno ee May, waxaa lagu wadaa in la qabto doorashada aadka...