NASA ayaa isku diyaarineysa in ay markab-xiddigeed si kas ah ugu dhufato kowkab, si tababar ahaan ah, iyada oo laga yaabo in aadanuhu u baahdo go’aanka noocan ah si looga hortago waxa loogu yeero “dhagaxa qiyaamaha” kaasi oo saynisyahanada ay ka cabsi qabaan in uu burbur halis ah u geysto dhulka.
XAQIIQO NEWS – SAYNIS/XIDDGISKA
Inkastoo sheekada ay u egtahay aflaamta iyo riwaayadaha khiyaaliga cilmigaha ah kuwaasi oo had iyo jeer ka sheekeeya waxa loogu yeero “dhagaxa qiyaamaha” kaasi oo la rumeysan yahay in uu burburi doono dhulka oo dhan ama qeyb badan oo dhulka ka mid ah, haddana tijaabo cilmiyeedka “Dart test” waa mid xaqiiqo ah, qofkii aan garaneynin “Dart test” waa tijaabo cilmiyeed ay NASA isku dayeyso in ay kaga hortagto kawaakib ama dhagaxyo laga cabsi qabo in ay dhulka ku soo dhacaan oo ay burburiyaan.
Sida ay ku warameyso majaladda “France Press” , xuran xiddigeed ku taalla Kalifoorniya ayaa laga tuuri doona markab-xiddigeedkan iyada oo uu xamarbaari doono gantaal “Space X” ah , arbacada 24 April waxaana howlgalani loogu magac daray “Dimorphos”, Dimorphis waa dhagax yar kaasi oo xajmi ahaan dhan 160 mitir, waxa uuna ku dul wareegaa kowkabka “Didymos” , halka labadooduna si wadajir ah ay ugu dul wareegaan qorraxda.
Waxaa la filanayaa in isku dhaca uu dhici doono dhammaadka sanadka dambe ee 2022.
Howgalkan ayaa la sheegay in uu ka kacayo qiimo dhan 300 Milyan oo doolar waana kii ugu horeeyey oo noociisa ah.
Mid ka mid ah saynisyahanada ugu waaweyn NASA, Thomas Zurbuchen ayaa saxafiyiinta u sheegay “Waxa aan baraneynaa waa sidii ay aan uga takhalusi laheyn wixii halis nagu ah, waxaase in aan la isla fahano muhiim ah kuwaakibta naguma ahan halis”.