NASA Oo Gabay Carabi Ah Soo Qaadatay..Waa Tan Sababta

La Wadaag Asxaabtaada

Hay’adda xiddigiska Mareykanka u qaabilsan NASA ayaa ugu hambalyeysay Imaaraatka, gaaritaanka misbaarkii “rajada” uu gaaray meeraha Mars maalintii talaadada, qaaab heersare ah.


XAQIIQO NEWS- XIDDIGIKA

NASA ayaa soo qaadatay qeyb ka mid ah qaasiidadii uu lahaa gabyaagii cajiibka ahaa ee carbeed Abu Dayib Al- mutanabi.

NASA oo adeegsaneysa bogga baahiya shaqooyinka markab xiddigeedka NASA’s Perseverance Mars Rover ayaa soo qortay “Waxaan idinku hambalyeyneynaa in aad timaadeen Mars, sida uu yiri gabyaagii Almutnabi.

إذا غامَرْتَ في شَرَفٍ مَرُومِ **** فَلا تَقنَعْ بما دونَ النّجومِ

Hadii aad u halgameyso sharaf, ha ku qancin wax ka hooseeya xiddigaha

Bogga misbaarka “rajada” ayaa isna ku soo jawaabay “NASA waxa ay maalaayiin dhalinyarro ah oo ku kala nool dunida dhiirigelineysay muddo badan, inkastoo aan ku faraxsanahay gaaritaankeena Mars, dhinaca kale waxa aan madaxa u foorarineynaa Markab xiddigeedka NASA’s Perseverance Mars Rover, wehelka iyo wada shaqeynta … Howsha ha inoo wacnaato.”

Sidoo Kale Aqri: NASA Oo Damacsan In Ay Bani’aadam Geyso Mars Safar Seddax Bil ah

Misbaarka “rajada” oo laga leeyahay Imaaraatka ayaa gaaray Mars maalinimadii talaadada qaab guul ah, taasi oo Imaaraatka ka dhigeysa dowladdii shanaad ee gaarta Mars dunida oo dhan.

FADLAN QEYBTA HOOSE KU DHIIBO ARAGTIDAADA
La Wadaag Asxaabtaada