Newyork Times Oo Mareykanka Ku Tilmaamtay Qaranka Walwalsan

La Wadaag Asxaabtaada

Wararkii ugu dambeeyey ee doorashada Mareykanka ayaa faa’ideynaya in Joe Biden uu hogaaminaayo codadka la tiriyey ilaa hadda.


XAQIIQO NEWS- WARARKA DIBADDA

Dadweynaha Mareykanka ayaa indhaha ku taagaya natiijada codadkii ay dhiibteen, kooxda Biden ayaa muujinaya in “Biden uu saaran yahay wadadii guusha”, halka Trump uu sadaalinaayo guul, gaar ahaan gobolada Arizona yo Pennsylvania. .

Doorashadani oo lagu sifeeyey “tii ugu cabsi badneyd” ee taariikhda Mareykanka soo marta, ayaa waxaa jiro shakiyo ay labada dhinacba ka muujinayaan is daba marin lagu sameeyo doorashada.

Sidoo Kale Aqri: Trump iyo Biden..Mustaqbalka Cabsida Leh ee Mareykanka

Wargeyska Newyork Times oo warbixino ka qoray doorashada waxa uu xaaladda taagan ku tilmaamay “umud walwalsan oo ka dharsugaysa qofkii guuleysan lahaa”.

Ilhan Ayaa Guuleysatay Ka Hor Inta Uusan Trump Guuldarreysan!

Haweeneyda madaxa duuban Ilhan cumar ayaa booskeeda Kongareska xajisatay ka dib markii ay ka adkaatay Lacy Johnson oo tartan kula jiray.

Sidoo kale Cumar Faatax oo ka mid ah Soomaalida Mareykanka ayaa noqday qofkii ugu horeeyey ee Soomaali ah ee ka mid noqda aqalka odayaasha Senat-ka gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka.

FADLAN QEYBTA HOOSE KU DHIIBO ARAGTIDAADA
La Wadaag Asxaabtaada