Heesta “Isii nafta” ee Nimco Happy ayaa si weyn ugu baahday baraha bulshada, waxyaabaha heesta sii iibinaya waxaa ka mid ah kalmadaha afafka kala duwan ee Soomaaliga, Ingiriiska, carabiga iyo Sawaaxiliga ee ku jira hooriska heesta.
XAQIIQO NEWS- MUUQAALO
Heesta “Isii Nafta” ee ay ku luuqeyso fanaanadda nimco Happy ayaa maalmo gudahood ku heshay daawadayaal ka badan guud ahaan intii heesta daawatay mudadii afarta sano ee heesta ay hawada ku jirtay.
Safarka caanimada ee heestan ayaa ka soo bilwoday taxadiyaat Tiktok ah oo ay ka qeyb qaateen xidigo caan ka ah baraha bulshada sida fanaanka Ameerikaanka ee qaadda heesaha raabka ah haweeneyda lagu magacaabo Cardi B, sidoo kale waxaa muuqaal heesta ka mid ah booggeeda Inistigraamka soo gilisay gabadha moodal ah ee Ameerikaanka Beela Xadiid.
Dadyow kala duwan ayaa meelo kala duwan ku soo bandhigay muuqaalo ay iska duubeen iyaga oo heesta ku ciyaaraya.
Illow vs Isii Nafta
Qofka si fiican u dhuuxa heesa “Nicmo happy” waxa uu dareemayaa in heesta ay ka shidaal qaadaneyso heestii “Illow” marka la fiiriyo hooriska labada hees oo isticmaalaya afar luuqadood oo isku mid ah: Af-Soomaali, Carabi, Ingiriis iyo Sawaaxili.
Waliba qaabka kala horeynta luuqadaha waa isku nooc labada marba.
Eerayada heesta Illow waxaa ka mid ah marka kuluc leeyahay:
Inaan ku arkaan doonayaayee (Af-soomaali)
I do want to see you (Ingiriis)
انا مشتاق شوفك (Carabi)
Mimi nataka kukuona wewe (Sawaaxili)
Iska soo duub labada hees ee “Isii nafta” iyo “Illow” waxaa lagu tilmaami karaa sida waalid iyo canugiisa ama hadii si kale u dhigno waa laba hees oo la kala jeexay