WARARKANIn leh tilmaamaha noocan ah ayaa kumanaan dad ah...

NIn leh tilmaamaha noocan ah ayaa kumanaan dad ah ku arkeen hurdada#aqriso tilmaamaha

-

Qisadan ayaa lagu baahiyey facebook iyo baraha internetka qisada oo faafaahsan ayaa ah sida tan:>
Bishii janaayo 2006 haweeney ayaa ku wargelisay dhaqtarkeeda dhimirka in ay habeen walbo ku riyooto nin bursada marmarka qaarna siiya talooyin wanaagsan.
Haweeneyda ayaa ka bixisay ninka ay aragtay tilmaam rasmi ah oo uu diwaangeliyey dhaqatarkii
Muddo ka dib dhaqtarkii isago oo la kulmaya bugaan kale ayaa intii u rogrogaayey buugiisa yaraa bugaankii waxa uu ku qeyliyey”waa kan ninka habeen walbo hurdada igu dhibay oo talooyinka igu waala”
Dhaqatarkii ayaa rumeysan waayey arintan cajiib ah ee uu kala kulmay labo bugaan oo dhawaan soo booqatay waxa uun go,aan ku gaaray in buugan tilmaamaha qoraya uu u qeybiyo dhaqaatiirada kale ee qaabilsan dhimirka balse maalmo ka dib dhaqaatiiradii saaxibadiis ah ayaa ku soo wargeliyey in ay argeen ilaa afar bugaan oo cudurkan qaba kuna riyooda ninka leh tlimaamaha buuga yar ku qoran
Hadda laga soo bilaabo janaayo 2006 ilaa iminka waxaa la diwaangeliyey ilaa 2000 oo qof oo ku riyooda ninka noocaasi ah ee dadka waaniya marmarka qaar waliba dadkan ayaa ka soo kala jeeda wadamo kala duwan sida kuwa ku nool (loos anjalis oo mareekanka ah, tehraan oo iiraan ah,baarsiloona oo isbeyn ah,baarliin oo jarmalka ah, niyuu dalhi oo hindiya ah,miksiko oo ruushka ah,baariis oo faransiiska ah iyo wadamo kale oo badan oo dunida ku yaalo.
Dhacdadan oo soo jiidatay indhaha caalamka ayaa markii danbo waxaa la sameeyey bar inertnetka ah oo ay macluumaadka isku dhaafsadaan dadka iskaga shakiya in ay ninkan arkeen iyadoo qofka tilmaamihiis la weydiinaayo.
Waa tan mid ka mid ah haweeney hurdada ku aragatay ninkan oo tilmaam ka bixineysa wixii ay aragtay
“dhowr jeer ayan hurdada ku argay waa nin dheer oo aad moodo in uu foolxunyahay laakin sidaas oo ay tahay wan jeclaa maxaa yeelay waxa uu iiga sheegeyn jiray aabahey oo dhintay iyo in aan qabrigiisa booqdo ma hilmaami doono sawabtoo ah waxa uu ii keeni jiray ubaxyo fara badan riyada dhaxdeeda
Waxa uuna ii qaad jiray in aan aadno cashadii baarka waxa kale uu u geyni jiray xeebta”
Waa kan ninkale oo isna yiri”waxa uu ii imaan jiray ninkan markii aan daalanahay ama aan xamaasadeysanahay waxa uuna isiin jiray talooyin in la sameeyo haboontahay”
Waxaana jira aragtiyo kal duwan oo ay dadka dunida ku nool ka aamineen ninkan
1-aragtida koowaad waxa ay dadka aaminsan rumeysanyihiin in waxani tahay aamin maskaxeed qofka uu dareemo marka uu fikiraaayo markaas uu sawiranaayo qof la talinaayo oo naacaas ah
2-qolada labaad oo kuwa diin ahaan aaminsan in waxani la argayo uu yahay ilaah(subxaanlaah f.g muslimiinta fikirkan ma aamini karaan) wax ayna leeyhiin qolada aaminsan fkirkan waxa uu u yimid in uu la taliyo aadoomihiisa
3-qolada seddaxaad ayaa aaminsan in waxani la argaya ay yihiin bani,aadam laakin awood u leh in ay qasaan quluubta aadanaha iyagoo isticmaalaya sixir(muslimiinta fikirka ma qaadan karaan)

Wararka U Dambeeyey

Qadar Oo Ka Niyad Jabsan Sida Mareykanka Uga Aamusanyahay Dalabkeedii Beeca Diyaaraha

Sida ay daabacday majaladda "Wall Street Journal" ee Ameerikaanka ah dowladda yar ee gacan carbeed dhacda Qadar ayaa ka...

Falanqeyn..Icj Waxa Ay Sameysay Xal Mise Xaq

Maxakmadda cadaaladda QM ayaa go'aan ka soo saartay muran badeedka Soomaaliya iyo Kenya, go'aanka Maxkmadda ayaana ahaa mid...

Maxaa Dhici Kara Go’aanka Icj Ka Dib?

Sida balantu tahay go'aanka maxkamadda Icj ee ku saabsan muran Somaaliya iyo Kenya ayaa lagu dhawaaqi doonaa maalinta taladaada...

Imaaraatka Oo Iktishaaf Cusub Ku Sameeyey Meeraha Mars

Madax sare oo ka tirsan dowladda Imaaraatka ayaa baraha bulshada ku baahiyey iktishaafaat cusub oo Misbaarka Rajada ee Imaaraatka...

Safiirka Sacuudiga Ee Soomaaliya Waa Soomaali!

Dowladda Sacuudiga ayaa safiirkeeda Soomaaliya u magacaawday Axmed Maxamed Oo ka mid ahaa muwaadiniinta Soomaaliyeed Ee Sacuudiga ku nool. XAQIIQO...

Maxaa Keenay In Waqtigan Radio Muqdisho Af-Taliyaani Lagu Baahiyo?

Markii ugu horeysay muddo sano ka dib, idaacadda dowladda ay leedahay ee Radio Muqdisho ayaa lagu tabin doonaa af-Taliyaani...