Nin Masaari ah Oo Xaaskiisa Ku badashay taleefoonka”Iphon 6″#Dhacdo Cajiib ah

La Wadaag Asxaabtaada

Nin masaari ah ayaa qiyaanay nin sacuudiyaan ah ka dib markii uu ku daray xaaskiisa isagoo iska dhigay in uu yahay walalkeed ka weyn oo ay isku aabo yihiin.
Ninkani masriga ah ayaa sheegay in gabadhani ay tahay walaashiisa oo aan horay guur u soo marin halka badalkeeda ninka sacuudiyaanka ah uu bixiyey lacag aad u fara badan iyo taleefoon iphon6 ka dibna waxaa dhacay maherka oo uu ku baxay qarash intii hore ka badan.
Waxaa la soo gaaray waqtigii ninkii sacuudiyaanka uu gaxeysan lahaa xaaskiisa balse xaqiiqada sugeysa ayaa aheyd mid aad u qaraar iyadoo markii labada lamaane ay aadeen safaaradda sacuudiga si ay u soo dhameystirtaan agabkoodii safarka ayaa waxa ay dalbatay haweeneydii in ay aado meelaha dumarka isku qurxiyaan”Beauty salon” ninkiina wuu ogaaladay laakin waxaa uu fahmay in ay dhuumatay ka dib saacdo badan oo ay maqneyd waxa uuna aaday goobtii uu ka soo guursaday halkaasi oo uu kala kulmay sheekada mucjisada ah ee aheyd in ay aheyd naaag nin qabo ! waxaase kaga sii xanuun badneyd in ninka qabay uu ahaa ninkii iska dhigayey walaalkeed ee lacagaha fara badan iyo taleefoonka ku qaatay madaxeeda.

FADLAN QEYBTA HOOSE KU DHIIBO ARAGTIDAADA
La Wadaag Asxaabtaada