Nin somaali ah oo tooreey isla dhacay xili uu……..#aqriso faafaahin

-

Sida ay baahiyeen Warbaahinta dalka Malta, waxa uu Ninkaasi iska wada siibay dharkiisa, isagoo ooyin iyo qeylo isku daray, kadib, markii uu Garsooruhu diiday in Damiin lagu sii daayo.
Eedeysanahaasi oo lagu magacaabo Maxamed Cabdi Xasan oo 22-jir ayaa la soo taagay, kadib, markii uu nin kale oo Somali ku cayrsaday Tooreey, uguna hanjabay inuu dili doono.
Wargeyska Times of Malta ayaa qoray in Eedeysanaha oo deggan Degmadda San Gwann ee Bartamaha Malta uu dili lahaa nin kale oo uu ku eedeeyey inuu ka dhacay Mobayl iyo Kabo.
Wargeyska waxa kale oo uu qoray in Eedeysanaha oo xilligaasi sarqaansanaa uu cayrsaday Ninkii kale oo badbaado ahaan u galay Sasldhig Bolis oo ku yaalla Deegaankaasi.
Eedeysanaha waxa uu Boliska u sheegay inuu dili doono Ninkaasi ka dhacay hantidiisa, waa sida uu ku dooday, balse, markii Maxkamadda la soo taagay waxa u usheegay inuusan wax ujeedo ah ka lahayn Cabsi-gelintii uu u jeediyey ninka kale.
Garsooraha qaadayey Dacwadaasi oo lagu magacaabo Francesco Depasquale waxa uu Eedeysanaha u diiwaan geliyey sheegashadiisa ahayd inuusan wax Dembi ah gelin, iyadoo ay Maxkamadda diiday in Eedeysanaha damiin lagu sii daayo.
Eedeysanaha ayaa bilaabay qeylo iyo inuu qolka Maxkamadda isku qaawiyo, isagoo ku dhawaaqayey: “Sideen u aadayaa Xabsiga?, Waxaan leeyahay Xuquuq. Intaan Xabsi geli lahaa waan is-dili doonaa”.
Garsooraha waxa uu ku amray Boliska joogay Maxkamadda inay Eedeysanaha u gudbiyaan Xabsiga, waxaana mar kale dib loo dhegeysan doonaa Dacwadiisa, iyadoo Xukun lagu ridi doono.
[google_ad data_ad_slot=” data_ad_format=’auto’]

Wararka U Dambeeyey

Yurub Oo Koronto La’aan Iyo Biyo La’aan Ka Cabaneysa!

XAQIIQO NEWS- WAR IYO DHAMMAANTIIS WARKA: Xilli dagaalka Yukrayn uu afar bil jirsaday, todobaadkan Putin waxaa uu jaray tubadii ugu...

Dameerkii Ugu Cod Qurxan Ayaa Guuleysanaya!

Magaalada San Andeero ee dalka Kolombiya sanad walba waxaa lagu qabtaa tartan cajiib ah oo u gaar ah "dabaaldagga...

Hadii Aad Ku Hurudo Qol Iftiin Leh..Iska Jir Halistan Caafimaad

Albaabada iska xir, daaqadaha soo laab ka hor inta aadan isku tuurin firaashka waa talada ay bixineyso daraasad cusub...

Ikhwaanu Muslimiin Arooskooda Eeyaa La Qalaa

Waxaan ku jirnaa maalmaha "Hilba waradka(ayaamu tashriiq) ee ciida weyn ee muslimiinta, aniga oo niyadda ku haaya fadliga maalmahaas...

Daawo..Mareykanka Dabaaldagii Xoriyadda Oo Toogasho Ka Bilaabatay

Muuqaalka baraha bulshada la soo dhigay waxaa lagu arkayaa dad kala cararaya meel ay ka socotay dabaaldaga maalinta xoriyadda...

Hormuud Oo Webseetyada Turkiga Xanibtay..Waa Tan Sababta

Bankiga dhexe ee Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay in bankiyo caalami ah xarun ka furanayaan Soomaaliya, waxaana ugu weyn bankiga...