Nin Tooreey la dhax galay Istuudiyaha Idaacad caan ah iyo dhaawac soo gaaray Wariye..

-

Nin aan wax badan aan laga aqoonin ayaa jiiray istuudiyaha idaacad caan ah oo ku taala magaalada Mosco ee dalka ruushiya.

ka dib markii uu xoog ku galay gudaha idcaada “‘Echo Moscow” aya waxaa uu tooreey duray wariye”Tatiana Filghnauer ” oo waqtigaasi si toos ah u tabineysay warka idaacadda.

Maamulka idaacada”‘Echo Moscow” ayaa sheegay in wariyaha waxyeelada soo gaartay hadda lagu dabiibaayo Hospital iyadoo xalaadeeduna aysan fiicneen balse waxa ay sheegeen in aysan jirin wax walwal ah oo laga qabo noolasheeda.

ilo ku dhaw dhaw saraakiisha amniga ruushka ayaa sheegay in su,aalo la weydiinaayo ninka falka geystay waxaana xogaha hordhaca ah ay faa,ideynayaan in falkani uu ahaa mid shaqsi ahaaneed mana jirto faafaahin intaasi ka baxsan oo ay bixiyeen ragga amniga.

gudiga baaritaanka ee ruushka ayaa baahiyey in ninka falka geystay uu wato dhalashada Isra,il iyo tan ruushka waxaana ay ku sheegeen magaciisa Boris Grits oo 48-sano jir ahaa.

Wasaaradda arimaha dibadda ruushka ayaa horay u sheegtay in uu weerarka fuliyey nin ajnabi ah mana faafaahin wax intaasi ka baxsan.

Wararka U Dambeeyey

Guusha X S N M X M D

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud ayaa loo doortay madaxweynaha Soomaaliya doorasha ka dhacday teendhada Afisyooni ee magaalada...

Cilmi Baaris..Dhimashada Ka Dib Ishu 5 Saac Ayey Wax Sii Arki Kartaa!

Baaris lagu sameeyey indhaha dad dhintay oo horay xubnahooda ugu deeqay in cilmi baaris lagu sameeyo ayaa waxaa lagu...

Waa Kan Cudurkii Uu U Dhintay Xaakimka Imaaraatka SH. Khalifa Bin Zaayed

Waxaa geeriyooday Madaxweyihii Imaaraatka carabta Shiikh Khalifa Bin Zayed Aala Nahyaan oo ahaa 73 jir, sida ay shaacisay Wakaaladda...

Mar Hadey Doorasho Tahay Qof Walba In Uu Soo Baxo Filo

Qof walbo waxa uu filayaa soo bixitaanka musharixiisa uu jecelyahay, balse waxaan la iska indha tiri karin mar hadii...

Ruushka Oo Sheegay In 30 Daqiiqo Kaliya U Baahanyahay Si Uu U Burburiyo Dowladaha NATO!

Maamulaha wakaaladda hawada sare u qaabilsan Ruushka ninka lagu magacaabo Dmitry Rogozin ayaa sheegay in dalkiisa u baahanyahay oo...

Doorashada 15-ka May..Maxaa Ugu Muhiimsan?

XAQIIQO NEWS- WAR IYO DHAMMAANTIIS WARKA:15-ka bishan aynu ku jirno ee May, waxaa lagu wadaa in la qabto doorashada aadka...