Nin Xaaskiiska U Dilay Maxaad Gabar Uurka Ugu Sidaa !

-

Arin argagax leh ayaa laga soo sheegay Masar, nin inta xaaskiisa dilay ka dibna meydkeeda gubay kuna aasay meel saxara ah sabab la yaab leh.


XAQIIQO NEWS- WARARKA DIBADDA

Ehelka marxmuudda ayaa booliska gaarsiiyey dacwado iyaga oo ka shakiyey ninkeeda, hase yeeshee ninka waxa uu ku dooday in ay ay ugu war dambeysay mar ay guriga ka baxday oo aysan u soo laaban islamarkaana uusan raq iyo ruux toona meel ku ogeyn.

Ka gadaal baaritaano badan oo la sameeyey, waxaa uu qirtay in uu isaga dilay xaaskiisa oo uur laheyd ka dib khilaaf soo kala dhax galay.

Qoyska marxuumadda waxa ay sheegeen in ninka uu ka dhirifsanaa uurka xaaskiisa oo caloosha ku sitay gabar, halka isagana uu doonaayey wiil.

Dhibbanaha walaasheed ayaa sheegtay in marxuumadda ay taleefoon ka soo wacday isla maalinta uu dilka dhacay iyada oo sheegtay in ninkeeda uu ugu goodiyey dil sababtuna ay tahay gabadha ay uurka la leedahay islamarkiiba taleefoonka ayey jartay.

Waxa ay intaasi ku dartay “dhowr mar ayaan ku celinaya oo aan taleefoonka ka wacnay balse kama jawaabin”.

Baaritaanada ayaa waxa xaqiijiyeen in dilaaga uu meydka xaaskiisa ku tuuray meel saxara ah oo ka tirsan magaalada 6-da Oktoobar ee dhacda Masar halkaasi oo ku gubay meydka si raad tirasho ah.

Masar todobaadyadii tagay waxaa ka soo baxay dhacdooyin argagax leh oo is xigxigay waxaana ka mid ah: gabar arday aheyd oo uu qalay saaxibkeed markii ay jaceyl uga baxday, labad wiil dhalinyarro ah oo iyagana meelo kala duwan iska tuuray fooqaq dhaadheer , intaasi waxaa dheer dhacdooyinka kufsiga iyo dilka oo ka dhaca meelo badan oo Masar ka mid ah.

Wararka U Dambeeyey

Yurub Oo Koronto La’aan Iyo Biyo La’aan Ka Cabaneysa!

XAQIIQO NEWS- WAR IYO DHAMMAANTIIS WARKA: Xilli dagaalka Yukrayn uu afar bil jirsaday, todobaadkan Putin waxaa uu jaray tubadii ugu...

Dameerkii Ugu Cod Qurxan Ayaa Guuleysanaya!

Magaalada San Andeero ee dalka Kolombiya sanad walba waxaa lagu qabtaa tartan cajiib ah oo u gaar ah "dabaaldagga...

Hadii Aad Ku Hurudo Qol Iftiin Leh..Iska Jir Halistan Caafimaad

Albaabada iska xir, daaqadaha soo laab ka hor inta aadan isku tuurin firaashka waa talada ay bixineyso daraasad cusub...

Ikhwaanu Muslimiin Arooskooda Eeyaa La Qalaa

Waxaan ku jirnaa maalmaha "Hilba waradka(ayaamu tashriiq) ee ciida weyn ee muslimiinta, aniga oo niyadda ku haaya fadliga maalmahaas...

Daawo..Mareykanka Dabaaldagii Xoriyadda Oo Toogasho Ka Bilaabatay

Muuqaalka baraha bulshada la soo dhigay waxaa lagu arkayaa dad kala cararaya meel ay ka socotay dabaaldaga maalinta xoriyadda...

Hormuud Oo Webseetyada Turkiga Xanibtay..Waa Tan Sababta

Bankiga dhexe ee Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay in bankiyo caalami ah xarun ka furanayaan Soomaaliya, waxaana ugu weyn bankiga...