Ninkii Keenay fikradda “Lambar Sireedka” Oo Geeriyooday

La Wadaag Asxaabtaada

Ninkii soo hindisay fikradda lambar-sireedka Kombiyuutraka lagu xirto Fernando Corbató, ayaa dhawaan geeriyooday isaga oo jira da’ ku dhaw 93 sano.


Xaqiiqonews-Tiknoolaji

In uu yahay ninkii ugu horeeyey ee soo hinidisa fikradda xirashada kombiyuutrada ee loo yaqaan “Lambar sireedka” waxaa uu dheer sidoo kale in uu qeyb ka ahaa horumarinta barnaamijka “ila wadaag” ee dad badani ay isticmaali karaan hal kombiyuutar isku waqti, barnaamijkaasi oo la yaqaan ” CTSS”

Sidoo Kale Aqriso: 23-sano-ka-dib-ajey-oo-dunida-dhahaya-i-cafiya!

Bilowgii Kombiyuutarada ayaa ahaa oo kaliya kuwa loo isticmaalo “Danta guud” taasi oo isbadashay markii la keenay barnaamijka ilaalinaya xogta qofka ee “lambar sireedka” arinkaasi oo soo dedejiyey in kombiyuutarada ay noqdaan kuwa loo isticmaala “Danaha Gaarka ah” iyo xogaha qarsoon.

Fernando Corbató, gayaa dhintay 12- July , isaga oo jira 93 sano, ka dib muddo badan oo uu ka cabanaayey cudurka Sokorta.

FADLAN QEYBTA HOOSE KU DHIIBO ARAGTIDAADA
La Wadaag Asxaabtaada