Ninkii Wasiir Siraaj Dilay Oo Qeyb ka Noqday Ciidanka Mucaaradka !

La Wadaag Asxaabtaada

Bishan oo kale afar sano ka hor Wasiir Siraaji ayaa ku baxay gacanta askari Df-ka u shaqeeya, hase yeeshee dadka ayaa is weydiinaya waqtiga intaasi la eg ka dib: maxay cadaaladda uga aamusantahay Siraaji?


XAQIIQO NEWS- WAR IYO DHAMMAANTIIS

……………………………………………….Warka………………………………………………………… Axmed Cabdullahi Ceydiid, oo ahaa ninkii dilay Siraaji ayaa xorriyadiisa dib u helay isaga oo maxkmadi dil ku xakuntay, waxaana ehelada marxuunka ka soo haray “aamus dheer”.

……………………………………………….Dhammaadkiisa………………………………………………..

Bishii May 2017, labo bil un ka dib markii Farmaajo loo caleemo saaray in uu noqdo Madaxweynaha Soomaaliya, waxaa dhacday kiiska dilkii Wasiir Siraaji, dhacdadaasi oo Farmaajo ku aheyd “xujo cadaaladeed” oo hortaagan, taasi oo ilaa hadda looga fadhiyo Farmaajo in uu furo.

Inkastoo Maxakamadda ciidanka qalabka sida ay dil ku xakuntay gacan ku dhiigle Ceydiid, haddana fulinta kiiska dilka ayaa noqday “bir adag”,waxaana sida la sheegayo kiiska faraha la galay odoyaal iyo xildhibaan kuwaasi oo xukunkii maxkmadaa kaga hortagay “awood qabiil”.

Sidoo kale Aqri: Duqeyn..Mise Dulmi iyo Dambiyo Dagaal

Farmaajo Yuu Ku raaligelinayaa Dhiigga Siraaji?

Miiska Madaxweynaha waxaa muddo afar sano ah saaran warqadii saxiixa “xakun fulinta”, waxaana dadku is weydiinayaan: Maxaa hortaagan fulinta xakunkii maxakamadda? Dhiigga Siraaji Ma dhici kartaa in dad lagu raaligelinaayo? yaa mudan in la raaligeliyo..qoyska dhibbanaha mise qoyska dambiilaha?

Maxamuud Siraaj oo walaalo yihiin marxuunka ayaa Facebook-kiisu ku soo qoray qoraal uu ciwaan uga dhigay “hadii cadaalad jirin nabad ma jirto”.

Maxamuud ayaa is weydiiyey sababta ilaa hadda uusan cadaalad u helin walaalkiisa, isaga oo dalbaday in lafahiisa laga soo saaro Xamar oo sida uu sheegay “cadaalad siin weysay”, waxa uuna dalbaday in walalkiisa lagu aaso tuuladii uu ka dhashay.

Maxamuud Ayaa qoralkiisa ku soo gabagabeeyey “qoyska Cabaas waxa ay rabaan cadaalad!!!.

Xagee buu ku Dambeeyey Ceydiid?

Walow maxkamaddu ay dil ku xakuntay, wararka waxa ay sheegayaan in Dable Ceydiid xabsiga la si daayey isla markaana uu qeyb ka ahaa ciidamo beeshiisa ah kuwaasi oo diidanaa muddo kordhinii Barlamaanka.

Ceydiid, ayaa lagu soo warinayaa in uu qeyb ka yahay ciidankii mucaaradka ee dhufeyska ugu jiray aagga Siigaale kuwaasi oo ay hogaaminayeen Saadaq Joon iyo Indha Cadde.

FADLAN QEYBTA HOOSE KU DHIIBO ARAGTIDAADA
La Wadaag Asxaabtaada