Dabeecada Noolayaasha waa kuwa kal duwan tusaale Dawacada waxaa lagu sheega Qiyaano iyo Caqli, qooleyda oo kale waxa ay calaamad u tahay nabadgalyada, waraabuhuna waa calaamadda cadowtooyada.
Xaqiiqonews-Saynis
Kala duwanaashaha xaywaanaadka xitaa waxaa soo galay kuwa ku nool badda oo mid waliba waxa uu leeyahay dabeecad u gaar ah, laakiinse ma jiro xaywaan helay dabeecadda “nolol abid ah” marka laga reebo hal xaywaan oo noolaan kara waligiis.
Xaywaanka aan ka hadleyno waa xaywaan badeedka loo yaqaan ” Jellyfish” gaar aahaan noociisa afka qalaad loogu yeero “Turritopsis dohrnii”
Xaywaan badeedkan “Turritopsis dohrnii” ayey saynisyahanada ogaadeen in uu noolaan karo waligiis
Sidoo Kale Aqriso:900-oo-sano-ka-dib-noolasha-dunida-sidan-ayey-isku-badaleysaa-ma-rumeysan-kartid!
Waxaa muhiim in aan si fiican u fahano sheekada, “nolol waligiis ah ” kama dhigno in xaywaankani uusan dhiman karin, maxaa yeelay xaywaanada sidani u yar si fudud ayaa loo dili karaa

Xaywaanada noocani ah ayaa marwalbo ay dareemaan xaalad halis ah waxa ay awood u leeyihiin in ay ku laabtaan cauurnimadooda. taasi macnaheedu waxa ay tahay waxa uu sameysanayaa koofiyad cusub dib ayuuna isku cusbooneysiinayaa mar walbo.