Saynisyahanada ayaa soo helay “dullin” yar kaasi oo aan laheyn hidda sidaha “MaaytoKondaariya ‘The mitochondrial genome'”.
Xaqiiqonews-Saynis
Saynisyanada ayaa noolahan ku tilmaamay in uu yahay kii ugu horeeyey ee ah noole unugyo badan leh, islamarkaana aan laheyn “Hidde-sidahan”.
ikhtiraacani cusub ma badalaayo fahamkeena ku saabsan noolasha dhulka oo kaliya, sidoo kale waxa uu saameyn ku yeelanayaa baaritnaada lagu raadinaayo nolal ka baxsan meeraha dhulka ee aynu ku noolnahay.
Sidoo Kale Aqri..Noole Noolaanaya Waligiis..Waa Tan Sirta
Inta ugu badan unugyada jirkeena ayaa leh hide-sidaha Maaytokondaariya, kaasi oo laga maarmaan u ah hoolaha Neefisga ee noolayaasha unugyada badan leh.
Sida lagu baahiyey majaladda PNAS, natiijadan cusub ayaa sheegeysa in ay jiraan noolayaal unugypo badan leh islamarkaan aan u baahneyn oksijiin si ay u sii noolaadaan.