Oday diiday In wiilkiisa Dibadda loo qaado Si loo daweeyo(Wiilkeyga Qur,aan ayaan saarayaa”

La Wadaag Asxaabtaada

yuusuf sheikh ciise ayaa ka sheegeeyey dhacdooyin cajiib ah oo la kulmay intii lagu guda jiray gurmadka maalmihii koowaad ee Qaraxii Zoobe , yuusuf oo sheegeyey ayaa waxaa hadaladiisa ka mid ahaa “Dhacdadii iigu yaabka badnayd waxa ay dhacday markii aan Isbitaalka Daaru-Shifa ugu tagnay wiil labada daan ka burburay, dhaawacyo kalena madaxa ka qaba oo uu aabihiis la joogo, wiilkaasi waxa uu ka yaraa 15 sano. Waxa aan u soo bandhignay aabihii in la qaadayo wiilkiisa oo adeeg caafimaad Turkey loogu fidinayo, isaguna uu raacayo.”

“Odaygii waa uu diiday arrintaas!, waxa uu noo sheegay in wiilkiisa uu Qur’aan saaranayo, daawada isbitaalka uu joogana ay ku filan tahay. Waa habeenkii 3pm kaddib, aad ayaan u barinnay annaga oo dhowr wasiir iyo xubnaha guddiga gurmadkaba isugu jirna, waa uu naga diida

Bannaanka ayaan uga baxnay qolkii bukaanku jiifay, waxa aan ku tashannay in aan xoog ku wadno wiilka bukaanka ah iyo aabbihii ba, maxaa yeelay wiilku gargaar degdeg ah ayuu u baahnaa.

Wasiirka Caafimaadka Fowsiyo Abiikar Nuur ayaa naga codsatay in ay mar kale odayga ku laabato oo fursad la siiyo, kaligeed ayaa qolkii ku noqotay, Jilbaha ayay dhulka dhigatay, waxa ay garka iyo jilbahaba qabsatay Odaygii, ayada oo ilmaynaysa ayay ka bariday in wiilkiisa oo la badbaadin karo loogu qaado caafimaad, waliba uu raaco. Waxa ay u sheegtay in qofka ugu horreeya ee dhibka wiilkani uu damqinayo uu isaga yahay, sidoo kalena haddii la daaweeyo uu wiilkiisii yahay, waa uu aqbalay odaygii baryadaas, wiilki iyo isagaba waxaa loo sammeeyay dokominti safar, waana la qaaday’ sidaa waxaan ka soo wariyay Wasiir ku xigeenka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Mukhtaar Daa’uud.

W/Q: Yuusuf Sh. Ciise

FADLAN QEYBTA HOOSE KU DHIIBO ARAGTIDAADA
La Wadaag Asxaabtaada