Odayaasha Hawiye Oo Qaadacay Natiijo Walbo Oo Ka soo baxdo Shirka London#aqriso Sababta

La Wadaag Asxaabtaada

Odayaasha dhaqanka Beelaha Hawiye ayaa si weyn uga carooday talaabadii ay dowladda Soomaaliya udiiday in gobolka Banaadir uu ka qeyb galo shirweynaha magaaladda London ka dhacaya
Maamulka Gobolka Banaadir ayaanan kamid aheyn maamulada ka qeyb galaya shirkaas halka madaxda Puntland, Galmudug, Hiirshabelle, K/Galbeed iyo Jubbaland ay London ugu sugan yihiin in shirkaas ay ka qeyb galaan.
Nabadoon Cabdullahi Xasan Abuukar Dheere oo kamid ah waxgaradka magaaladda Muqdisho ayaa sheegay in dadka degan Muqdisho lagu dulmiyay shiraas.
“Odayaasha Hawiye ma raacsana waxii kasoo baxa shirkaas maadamaa aysan magaaladii Muqdisho wax xubno ah ku laheyn” ayuu yiri Cabdullahi Dheere.
Sidoo kale, waxaa uu dowladda Soomaaliya ku eedeeyay iney lakala safatay maamulada dalka ka jira, taasna aysan aheyn sababtii loo doortay.
Hadalka odayaashan ayaa kusoo aadaya xili maamulka gobolka Banaadir laga reebay shirka London xili shir walba oo Soomaaliya loo qabto uu ka qeyb gali jiray intii madaxdii hore dalka ka talinayeen.
 

FADLAN QEYBTA HOOSE KU DHIIBO ARAGTIDAADA
La Wadaag Asxaabtaada