Odoyaasha Beelaha Hawiye Oo Weji Gabax Kala Kulmay Farmaajo

-

Odoyaasha dhaqanka beelaha Hawiye ayaa weji gabax kala kulmay madaxweynaha dowladda Federaalka Maxamed C/laahi Farmaajo, kadib kulan ay kula yeesheen magaalada Muqdisho.
Odoyaashan oo uu kamid yahay Nabadoon Xaad ayaa madaxweynaha waxay ka dhaadhicinayeen shaqsiyaadka beesha ee loo doonayo in wasiirada laga dhigo.
Farmaajo ayaa u diidey inuu ka aqbalo xitaa talooyinka ay wadaan, sababtuna waxay ahayd markii ay taageereen Xasan Sheekh intuu ololaha doorashada, kadib markii ay odoyaashan si aan gambad lahayn uga codsadeen baaarlamaanka iney markale doortaan Xasan Sheekh.
Odoyaashan ayaa iyga oo carreysan waxay kasoo baxeen Villa Soomaaliya, walibana sheegaya iney ku dhowaaqi doonaan in ka beel ahaan aysan taageeri doonin dowladda Farmaajo.
Waxgaradkan ayaa horey aad u taageersanaa Xasan Sheekh oo hadda kamid ah xildhibaannada Golaha shacabka, waxaana markaan ay waayeen Kalsoonidii dowladdan cusub.

Wararka U Dambeeyey

Yurub Oo Koronto La’aan Iyo Biyo La’aan Ka Cabaneysa!

XAQIIQO NEWS- WAR IYO DHAMMAANTIIS WARKA: Xilli dagaalka Yukrayn uu afar bil jirsaday, todobaadkan Putin waxaa uu jaray tubadii ugu...

Dameerkii Ugu Cod Qurxan Ayaa Guuleysanaya!

Magaalada San Andeero ee dalka Kolombiya sanad walba waxaa lagu qabtaa tartan cajiib ah oo u gaar ah "dabaaldagga...

Hadii Aad Ku Hurudo Qol Iftiin Leh..Iska Jir Halistan Caafimaad

Albaabada iska xir, daaqadaha soo laab ka hor inta aadan isku tuurin firaashka waa talada ay bixineyso daraasad cusub...

Ikhwaanu Muslimiin Arooskooda Eeyaa La Qalaa

Waxaan ku jirnaa maalmaha "Hilba waradka(ayaamu tashriiq) ee ciida weyn ee muslimiinta, aniga oo niyadda ku haaya fadliga maalmahaas...

Daawo..Mareykanka Dabaaldagii Xoriyadda Oo Toogasho Ka Bilaabatay

Muuqaalka baraha bulshada la soo dhigay waxaa lagu arkayaa dad kala cararaya meel ay ka socotay dabaaldaga maalinta xoriyadda...

Hormuud Oo Webseetyada Turkiga Xanibtay..Waa Tan Sababta

Bankiga dhexe ee Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay in bankiyo caalami ah xarun ka furanayaan Soomaaliya, waxaana ugu weyn bankiga...