Ogow Aragtida “Shock Theory” Iyo Sida Soomaaliya Loogu Gumeysto !!

-

Kontomeeydii Qarnigii Labaatanaad(20 aad) dhaqtar inkaar qabo ah oo lagu magacaabo Donald Cameron ayaa soo hindisay Hab cusub oo ah in Fikir qof uu leeyahay iyo habka uu qofkaasi ku qanco lagu badalo qof kale tusaale in qof magaciisa la yiraahdo “B” qaab fikirkiisa iyo dareemihiisa iyo caqligiisa oo dhanba lagu badalo qof kale oo wata magaca “T

Xaqiiqonews.com.

DR.Cameron waxaa uu ogaaday in dareemayaasha qofka iyo fikirkiisaba ay ka yimaadaan labo meelood oo kala ah:
1_Xasuusta waxyaabahii la soo dhaafay
2_garashada Waxa hadda la joogo.

Hadaba Dr Donald Cameron ayaa ku fikiray in si loo badalo fikirka qof uu aaminsanyahay in marka koowaad loo baahanyahay in la tirtiro xasuustiisa taasi oo ah in marka hore qofka la badalaayo qalbigiisa laga dhigo mid cad oo qaadan kara fikirada Cusub Si taasi u dhacdana waxaa uu soo fikiray Nadariyadda Cusub ee lagu magacaabo
“Shock theory” .

Dr Cameroon ayaa sameeyey tijaabooyin dhowr isagoo dadka si xun u marsiin jiray cadaab joogto iyo koronto si qof uu u qaado”Shock” islmarkaana uu u ilaawo wixii hore.

Hadaba ma ogtahay aqristow Cidda dhaqan gelisay afkaartii Dr Donald Cameron? haa waa CID_da hay,adda sirdoonka Mareykanka iyadoo dhaqamada aragtida “Shock theory” laga dhaqan geliyo si joogto ah xabsiyada Mareykanka gaar ahaan Guantanamo, Abu Ghraib iyo xabsiyo kale.

Qaacidada ay ku shaqeyso Nadariyadda “Shock theory” ayaa ah( hadii aad dooneyso qofka in aad ka dhigato adoon aad leedahay oo kale oo si dhib yar u qaata wixii aad u miiriso ugu horreyn waa in aad ku ridaa “Shock” si uu ilaawo xasuustiisii hore”

Xilli Dr cameroon uu fikikiisa ku baahinaayey gudaha dalka Canada ayaa dhanka kale waxaa Chigago ka soo baxay sheydaan kale oo lagu magacaabo Milton Friedman oo ah ganacsi yaqaan balse Friedman fikirkiisa cusub ma ahan mid ku wajahan shaqsiyaad afkaartooda la badalo imw, ee arinka uu doonaayo ayaa ah in la badalo shucuub dhan(dal dhan dadkiisa)!.

U jeedka Gacansadahan ayaa ah in shirkadaha Mareykanka laga dhigo kuwo ka gudba xaduudaha islmarkaana ay noqdaan kuwa dunida oo dhan lug ku leh oo maamula hantida wadan dhan!

Milton Friedman ayaa ogaa in shucuubta aysan aqbalneyn in dalkooda ay maamulaan dad ajaanib ah hadii aanan shucuubtaasi lagu ridin “Shock” si ay wax walbo u aqbalaan oo ay kaga tanaasulaan afkaartooda.

Dalalkii ugu horeeyey ee laga dhaqan geliyo fikirkan waxa ka mid aheyd jamhuuriyadda “Soomaaliya” oo xiligaasi nidaamka dhaqaalaheeda uu ahaa “Shuuci” waxaana qorshaha lagu bilaabay burburin iyadoo dalka ay afgambi kula wareegtay dowlad uu taageeraayey Mareykanka hase agaate inqilaabka ka dib waxaa dhacay “Shock”.

“Shock-kii” waxaa uu keenay in dalka uu galo xaalad adag ilaa dadka ay ka dhunta xasuustii oo ay garan waayaan maxaa dhacay? maxaa xal ah? waxaa dhacay dagaal waxaa batay Afduubka iyo Fowdada sidoo kale Sicir barar ayaa dhacay waxaana kor u kacay heerka shaqa la,aanta dalkaasi, dalka hadda waxa uu ku sii socdaa meel Mugdi ah.

Hadaba Markii u dhacay”Shock-kii” waxaa la keenay xalkii la dejiyey ahaa in dowladda aysan maamuli karin dhaqaalaha wadanka sidaa darteed dalka ay howlahiisa majaraha u qabtaan shirkadaha Mareykanka ee xaduudaha gudba, nasiib darrase dowladii oo “shock” qabtay wey aqbashay arinkii sidoo kalane shacabkii shocksanaa wey aqbaleen sidaa darteed waxaa guuleystay aragtidii “SHOCK THEORY”

Musalsalka aragtida “Shock theory: wili ma dhamaan waxaana la filaya waxyaabo badan oo aan wali la sii saadaalin karin balse maalmaha iyo waayaha aanu ka ogaan doono.

Wararka U Dambeeyey

Yurub Oo Koronto La’aan Iyo Biyo La’aan Ka Cabaneysa!

XAQIIQO NEWS- WAR IYO DHAMMAANTIIS WARKA: Xilli dagaalka Yukrayn uu afar bil jirsaday, todobaadkan Putin waxaa uu jaray tubadii ugu...

Dameerkii Ugu Cod Qurxan Ayaa Guuleysanaya!

Magaalada San Andeero ee dalka Kolombiya sanad walba waxaa lagu qabtaa tartan cajiib ah oo u gaar ah "dabaaldagga...

Hadii Aad Ku Hurudo Qol Iftiin Leh..Iska Jir Halistan Caafimaad

Albaabada iska xir, daaqadaha soo laab ka hor inta aadan isku tuurin firaashka waa talada ay bixineyso daraasad cusub...

Ikhwaanu Muslimiin Arooskooda Eeyaa La Qalaa

Waxaan ku jirnaa maalmaha "Hilba waradka(ayaamu tashriiq) ee ciida weyn ee muslimiinta, aniga oo niyadda ku haaya fadliga maalmahaas...

Daawo..Mareykanka Dabaaldagii Xoriyadda Oo Toogasho Ka Bilaabatay

Muuqaalka baraha bulshada la soo dhigay waxaa lagu arkayaa dad kala cararaya meel ay ka socotay dabaaldaga maalinta xoriyadda...

Hormuud Oo Webseetyada Turkiga Xanibtay..Waa Tan Sababta

Bankiga dhexe ee Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay in bankiyo caalami ah xarun ka furanayaan Soomaaliya, waxaana ugu weyn bankiga...