Ogow Nooca Caqliga Ee Canugaada.. 4 Nooc Oo Caqli ah

-

Inta badan waxa aan xoogga saarnaa labada nooca caqliga ee kala ah “caqliga qofka ee dhanka xisaabaadka, iyo caqliga qofka ee luuqadda iyo hadalka” laakiinse waxaa jira noocyo kale oo badan.


Xaqiiqonews-Saynis/Isbar Horumarinta Nafta

Sideedameyada qarnigii tagay aqoonyahan ka tirsan jaamacadda Hartford ayaa wax ka qoray macluumaad ku saabsan noocyo badan oo caqli ah.

Waxa aan idin soo gudbineynaa 4- ka mid ah waxyaabihii uu oqray Howard Gardner oo ka tirsanaa jaamacadda Hartford iyo sida looga faa’ideysan karo.

1- Caqliga “Xisaabaadka”

waa awoodda uu qofka u leeyahay in uu wax xisaabiyo, in uu xalin karo su’aalaha ,in uu awood u leeyahay in uu wax sababeeyo islamarkaana uu saadaaliyo natiijada.

Nooca caqligan waxaa loo isticmaalaa in lagu furo xujooyinka, hal-xiraalayaasha, sidoo kale nooca caqligani waa kan xoogga badan la saaro marka la joogo goobaha waxbarashada ee wadamada Galbeedka.

2- Caqliga Deegaanka

Waa awoodda uu qof u leeyahay in uu sawirto sawir caqliyeed khiyaali ah oo heersare ah oo ku saabsan dunida, iyo goobaha.

Caqligan waxaa si gaar ah uu u quseeyaa faniiniinta, darwalada, baaylootyada,dadka barta cilmiga juquraafiga iyo dadka socotada a, si gaar ah qofka caqligan leh waxaa aad looga qiimeyn jiray deegaanada Miyaga Soomaalida.

3-Caqliga Bulshada

Xirafad fiican oo uu qof u yeesho dhaxgalka Bulshada waxaa ay ka dhigan tahay in uu dhibco fiican ka haysto wax loogu yeero “Caqliga bulshada.

Caqligan waxaa si gaar ah looga baahanyahay Macalimiinta, siyaasiyiinta iyo ganacsatada.

Waxa aan ku kasban karnaa caqligan, hadii aan badino shaqooyin kooxeedka,sidoo kale waxa lagu kasban karaa doodaha bulshada iyo xiriirada kale.

Sidoo kale Aqriso: Sidee-canugaada-aad-ugu-dhigi-kartaa-muqrtaric-mid-wax-soo-hindisaqaab-fudud/

4- Caqliga Luuqadda iyo Hadalka

Waa awoodda uu qofka u leeyahay in uu isticmaalo “erayada” iyo kalimadaha duurxulka ah, islamarkaana uu u hadli karo qaab fiican, in uu leeyahay xasuus fiiican oo ah taariikhyada iyo magacyada,waa awoodda qofka uu ku soo warin karo shekooyinka qosolka leh, waana wax qofka ka dhigga in uu ku fiican yaay “Khudbad jeedinta”

Nooca caqligan waxa aan ku shaqeysan karnaa, in aan leenahay awood wax aqrin oo fiican, islamarkaana qofka uusan ka caajiseen wax baarista.

Wararka U Dambeeyey

Yurub Oo Koronto La’aan Iyo Biyo La’aan Ka Cabaneysa!

XAQIIQO NEWS- WAR IYO DHAMMAANTIIS WARKA: Xilli dagaalka Yukrayn uu afar bil jirsaday, todobaadkan Putin waxaa uu jaray tubadii ugu...

Dameerkii Ugu Cod Qurxan Ayaa Guuleysanaya!

Magaalada San Andeero ee dalka Kolombiya sanad walba waxaa lagu qabtaa tartan cajiib ah oo u gaar ah "dabaaldagga...

Hadii Aad Ku Hurudo Qol Iftiin Leh..Iska Jir Halistan Caafimaad

Albaabada iska xir, daaqadaha soo laab ka hor inta aadan isku tuurin firaashka waa talada ay bixineyso daraasad cusub...

Ikhwaanu Muslimiin Arooskooda Eeyaa La Qalaa

Waxaan ku jirnaa maalmaha "Hilba waradka(ayaamu tashriiq) ee ciida weyn ee muslimiinta, aniga oo niyadda ku haaya fadliga maalmahaas...

Daawo..Mareykanka Dabaaldagii Xoriyadda Oo Toogasho Ka Bilaabatay

Muuqaalka baraha bulshada la soo dhigay waxaa lagu arkayaa dad kala cararaya meel ay ka socotay dabaaldaga maalinta xoriyadda...

Hormuud Oo Webseetyada Turkiga Xanibtay..Waa Tan Sababta

Bankiga dhexe ee Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay in bankiyo caalami ah xarun ka furanayaan Soomaaliya, waxaana ugu weyn bankiga...