Waxaa laga yaabaa in aad is weydiisay sababta magacyada laacibiinta rer croatia(kuruweshiya) ugu dhamaadaan IC tusaale Mandjukic, Modric, Kovačic “?
Xaqiiqonews-Cayaaraha
Waxyaabaha soo jiidashada leh ayaa waxaa ka mid ah in magacyada rer Croatia ay yihiin kuwo loo arko Xirfad wadan u gaar ah, tusaale magacyada ku dhamaada xarfaha IC waxa ay la micno yihiin “Kii yaraa” ama kii danbe, tii danbe, taasi macnaheedu waxa waaye tusaale Kovačic waa wiil uu dhalay Kovač sidaa darteed Kovačic waxa uu la mid tahay Kovač-kii yaraa.
isku egeenshaha xagga magacyada ma ahan mid u gaar ah rer Croatia oo kaliya, sidoo kale waxaa arinkani la wadaaga magacyada laacibiinta xulka Serbia, sidoo kale xulalka Bosnia iyo Herzegovina oo ka maqnaa koobka aduunka ayaa iyagana leh xarfa dhamaadka IC, waxaana xarfa dhamaadkan isla wadaaga dhamaan dowladihii ka tirsanaa midowgii Yugoslavia-dii hore, xitaa waxaa soo galaya wadamada Slovenia, Kosovo iyo Montenegro.
Reer Croatia ayaa caadadam ku ilaashada magacyada qoysaskooda.