Okiyaale Caqli leh Oo Garanaya Dadka Danbiilayaasha ah#Iqtiraac cusub….Shiinaha.

-

Booliska Shiinaha gaar ahaan booliska magaalada 郑州 “Zhengzhou” ayaa bilaabay adeegsiga okiyaaliyaal cusub oo qoraxda la shaqeeya, kuwaasi oo loogu tala galay in lagu garto dadka danbiilayaasha ah.

Wargeyska 人民日報 “People’s Daily” ayaa sheegaya in afar sargaal oo boliis ah ay adeegsadaan Teknoolajiyadan cusub,meel ku dhaw boosteejada Tareenada laga raaco ee bariga magaalada “Zhengzhou”.

Okiyaalahan ayaa wata Camera casri ah, waana qalab u shaqeynaya sida taleefonada caqliga leh “Smart phones”, waxaana sawirada iyo muuqalada uu duuba qalabkani si joogta ugu sii dhacayaan xarunta Booliska.

Ilaa hadda teknoolajiyadan ayaa qeyb ka qaadatay in gacanta lagu soo dhigo ilaa todob qof oo lagu helay qaarkood danbiyada ah “tahriibin dad” halka kuwa kale lagu helay “in ay xad gudub sameeyeen ka dibna cadaalada ka carareen”,waxaana intaasi dheer in la soo qabtay iyadoo la isticmaalaya okiyaalahan ilaa 26 qof oo isticmaalaayey kaarar been abuur ah.

Bangiyada qaarkood ayaa sidoo kale bilaabay isticmaalka tiknoolajiyadan, iyagoo isticmaalaya aqoonsiga wajiga si ay u oggolaadaan isticmaalayaasha in ay bixiyaan wejigooda halkii ay bixin lahaayeen kaararka aqoonisga.

Wararka U Dambeeyey

Yurub Oo Koronto La’aan Iyo Biyo La’aan Ka Cabaneysa!

XAQIIQO NEWS- WAR IYO DHAMMAANTIIS WARKA: Xilli dagaalka Yukrayn uu afar bil jirsaday, todobaadkan Putin waxaa uu jaray tubadii ugu...

Dameerkii Ugu Cod Qurxan Ayaa Guuleysanaya!

Magaalada San Andeero ee dalka Kolombiya sanad walba waxaa lagu qabtaa tartan cajiib ah oo u gaar ah "dabaaldagga...

Hadii Aad Ku Hurudo Qol Iftiin Leh..Iska Jir Halistan Caafimaad

Albaabada iska xir, daaqadaha soo laab ka hor inta aadan isku tuurin firaashka waa talada ay bixineyso daraasad cusub...

Ikhwaanu Muslimiin Arooskooda Eeyaa La Qalaa

Waxaan ku jirnaa maalmaha "Hilba waradka(ayaamu tashriiq) ee ciida weyn ee muslimiinta, aniga oo niyadda ku haaya fadliga maalmahaas...

Daawo..Mareykanka Dabaaldagii Xoriyadda Oo Toogasho Ka Bilaabatay

Muuqaalka baraha bulshada la soo dhigay waxaa lagu arkayaa dad kala cararaya meel ay ka socotay dabaaldaga maalinta xoriyadda...

Hormuud Oo Webseetyada Turkiga Xanibtay..Waa Tan Sababta

Bankiga dhexe ee Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay in bankiyo caalami ah xarun ka furanayaan Soomaaliya, waxaana ugu weyn bankiga...