Oktoobar Bisha Carada !

-

11 Dowladood oo ku yaala meelo kala duwan oo dunida ah, ayaa waxa ka dhacay shaqaaqooyin iyo rabshado dadweyne intii lagu guda jiray bishan Oktoobar.


Xaqiiqonews-Wararka Dibadda

Dadweyne cabanaya ayaa isku soo baxay Hong Kong, iyaga oo ka cabanaya xeer dhigaya in dadka dambiyada ku gala Hong Kong loo dhiibo Shiinaha, waana dibadbaxyo waaweyn kuwaasi oo caan ka noqday baraha bulshada.

Sidoo Kale Waddanka Indonesiya Ardayada ayaa dhigaya cabashooyin ku aadan isbadal lagu sameeyey xeerka dambiyada.

Hadii aan u nimaadno Ciraaq iyo Lebnaan, dadku waxa ay ka dibadbaxayaan cabashooyin ku saaban xaalado dhaqaale xumo,oo fara ba,an ku haaya dalalkaas.

Latin Ameerika iyadana waxaa laga soo warinayaa cabashooyin dibadbaxyo ah.

Sidoo Kale Aqriso:Go’aanka Trump Iyo Soo Dagista Carada Ilaah!!

Ekwadoor (Ecuador), waxaa iyadana ka soconaya dibadxayaal cabasho ka dhigaya gudaha Caasimadda Kiito(Quito),iyaga oo ka cabanaya Casnhuur kordhin tii ugu xumeyd oo muddo sanado ah ka dhacda Dalkaasi.

Waddanka dhaca koonfur Ameerika ee lagu magacaabo Jilli( Chile ) isna waxaa laga soo sheegayaa dhaqaalo xumo, dadka oo isku soo baxay ayaan dalbanaya in isbadal la sameeyo.

Yurub kama badbaadin daadka dibadbaxyada, Maxaa yeelay dibadbaxayaal isugu soo baxay gobolka Katalooniya(Catalonia) ayaa dalbanaya in la siiyo madax banaani ay ka qaataan Isbeyn (Spain).

Waddooyin Faransiiska iyagana waxaa ka dhacay dibadbaxyo looga soo horjeedo Cunsuriyadda iyo islaam-naceybka (Islamphobia).

Caasimadda Ruushka Moscow, waxaa ka dhacay dibadbaxyo dadka ay kaga soo horjeedaan beegsiga ay dowladda ku haayso dadka u Ololeeya xaquuqda aadanaha.

Ugu dambeyn beeraleyda reer Holland ayaa iyagana dhigay banaanbaxyo ka dhan ah siyaasadda dowladda ee Cimilada oo sida ay ku doodayaan ka horimaaneysa maslaxadda beeraleyda.

Wararka U Dambeeyey

Maxay Mareykanka Ka Qabtaan Soomaaliya Inta U Dhaxeysa Soo Galis Iyo Sii Bixid?

XAQIIQO NEWS- WAR IYO DHAMMAANTIIS WARKA:Joe Biden ayaa saxiisay go'aan ciidamo Mareykan ah dib loogu celinaayo Soomaaliya, mana ahan markii...

Hindiya..Shimbirihii Oo Kuleyl Dartiis Dhulka Ku Soo Daadanaya!

Galbeedka Hindiya, abaar darran iyo kuleyl hanfi leh oo halkaasi ka jiray muddadii 3-dii bil ee ugu dambeysay darteed...

Guusha X S N M X M D

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud ayaa loo doortay madaxweynaha Soomaaliya doorasha ka dhacday teendhada Afisyooni ee magaalada...

Cilmi Baaris..Dhimashada Ka Dib Ishu 5 Saac Ayey Wax Sii Arki Kartaa!

Baaris lagu sameeyey indhaha dad dhintay oo horay xubnahooda ugu deeqay in cilmi baaris lagu sameeyo ayaa waxaa lagu...

Waa Kan Cudurkii Uu U Dhintay Xaakimka Imaaraatka SH. Khalifa Bin Zaayed

Waxaa geeriyooday Madaxweyihii Imaaraatka carabta Shiikh Khalifa Bin Zayed Aala Nahyaan oo ahaa 73 jir, sida ay shaacisay Wakaaladda...

Mar Hadey Doorasho Tahay Qof Walba In Uu Soo Baxo Filo

Qof walbo waxa uu filayaa soo bixitaanka musharixiisa uu jecelyahay, balse waxaan la iska indha tiri karin mar hadii...