Ololaha loogu jiro Xilka Ra’iisal Wasaaraha oo si deg deg ah u bilowday iyo Beesha Hawiye oo…

-

[google_ad data_ad_slot=” data_ad_format=’auto’]
24 saacadoo kadib doorashadii Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya waxaa si degdeg u bilowday ololaha loogu jiro xilka Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya.

Xilkan oo ah mid uu awoodeeda leeyahay madaxweynaha inuu magacaabo waxaa awood qeybsi ahaan hadda u sheegay beesha Hawiye kadib markii Maxamed C/llaahi Farmaajo ku guuleystay xilka madaxweynaha.

Odayaal iyo waxgarad ka socda beesha Habargidir ayaa ugu horeeyay oo kulan ay la qaateen madaxweyne Farmaajo uga dalbaday inuu shaqsi ka soo jeeda beeshood u magacaabo xilka Wasiirka koowaad ee dalka, iyagoo sabab uga dhigay arrimo badan oo isbedelka dalka ka dhacay ka mid yahay iyo xiriirka u dhaxeeya beesha uu madaxweynaha kasoo jeed iyo beeshooda.

Dhinaca kale Beesha Muddoolood ayaa iyana wada olole ay ku dooneyso in qof beeshaasi ka soo jeeda loo magacaabo xilkan, waxaana socda shirar ku saabsan arrintan oo ku saabsan sidii xilkaasi dhinacooda u marhttp://xaqiiqonews.com/wp-admin/post-new.phpi lahaa.

Beesha kale ee Murusade ayaa iyaduna markii ugu horeysay soo bandhigtay damaceeda ku saabsan in qof kasoo jeeda beeshan uu helo xilka Ra’iisal wasaaraha, waxaana jira musharixiin ka soo jeeda beeshasi oo dadaal cusub bilaabay.

Waxaa la aaminsan yahay in xilka WASIIRKA KOOWAAD uu yahay arrinta ugu culus ee hor taala madaxweyne Farmaajo iyadoo qofka loo magacaabo uu noqon karo furaha guusha ama fashilka dowladda Farmaajo.
[google_ad data_ad_slot=” data_ad_format=’rectangle’]

Wararka U Dambeeyey

Dilka Shacabka Oo Lagu Tartamaayo!

Rasaasta ciidanka Df-ka ayaa dishay 3 qof oo shacab ah gudaha magaalada Muqdisho, halka gantaal hoobiye ah oo ...

Imisa Qof Oo Soomaali Ah Ayaa Hub Heysta?

Hubka saxda ee gacanta uga jira muwaadiniinta Soomaaliya waa mid aan la aqoon, hase ahaate warbixin lagu qoray webseetka...

Internetka Aduunka Oo Halis Ugu Jira In Uu Joogsado Sababtan Darteed

Saynisyahanada ayaa ka digaya cillad guud oo ku timaado internetka aduunka iyaga oo sababtuna ku qeexaya nidaamka cadceedda oo...

Mooska Miyuu Noqon Karaa Halis Caafimaad!

Labo saynisyahan oo ka tirsan jaamacadda Beihang University Jian Saotian iyo Liao Jie,ayaa shaaca ka qaaday halis caafimaad oo...

Dagaalkii Qoriga Ee Farmaajo Iyo Mucaaradka Miyuu Soo Dhowyahay?

XAQIIQO NEWS- WAR IYO DHAMMAANTIIS WARKA:Todobaadkan Midowga Musharixiinta ayaa soo saaray digniin ku aadan habsami u socodka doorashada oo ay...

NASA Oo Dooneysa In Ay Kowkab Qarxiso..Dhagaxii Qiyaamaha Miyaa Soo Dhow?

NASA ayaa isku diyaarineysa in ay markab-xiddigeed si kas ah ugu dhufato kowkab, si tababar ahaan ah, iyada oo...