Barnaamijyada noocan ah, ayaa shaqadoodu tahay in jaasuusaan, madaxda, wariyaasha, iyo shaqsiyaadka caanka ah ee dunida.
XAQIIQO NEWS- TIKNOOLAJI
Ka dib markii uu fashil ku yimid barnaamijka basaaskii qarsoonaa ee Pegasus, ee ay laheyd shirkadda tiknaaljiyadda Israa’iil ee loo yaqaan “NSO group”, Hadalka kaliya ee Israa’iil ka soo haray ayaa noqday beenin iyo been abuur- sida uu qoray wargeyska Washington post.
Waa Maxay “Pegasus”?
Dadka aan garaneyn Pegasus waa Softiweer Maalweer ah (Malware Sofware), kaasi oo badanaa lagu soo dhax qariyo ablikeeshino kale iyo barnaamijyada dadka u baahan yihiin sida barnaamijyada lidka fayrusyada iyo ablikeeshanida taleefonada ee dadku soo dagsadaan.
Hay’adaha barnaamijkan lagu basaasay waxaa ka mid ah Wargeysyada Washinton Post ee Ameerikaanka ah iyo Wargeyska The Guardian ee Ingiriiska iyo waliba hay’adda Amnesty International.
Sidoo Kale Aqriso: Sidee Ururka Xamaas U Jabsaday Taleefoonada Israa’iil?
Dadka madaxda ah ee lagu basaasay waxaa ka mid ah madaxweynaha Faransiiska Emanuwal Makroon, madaxweynaha Ciraaq Barham Saalax.
Israa’iil ayaa bartilmaameedsatay wariyaasha ka shaqeeya Wargeysyada iyo wakaaladaha waaweyn ee reer Galbeedka sida Finantial Times, Wall Street Jounrnal, Cnn, Newyork Times, France24 , Le Monde, Associated Press, Reuters, France Press, Bloomerga, The Economist, iyo idaacadda codka Mareykanka ee VOA.
Makra aad u fiirsato barnaamijkan, Israa’iil hal dhagax ayey laba shimbir ku dishay, iyada oo ka faa’iday lacagaha ay ka qaadan jirtay shirkdaha ay ka iibiso barnaamijkan.
Waxaa la sheegayaa in Israa’iil ayaa barnaamijkan ku basaastay dowlado kor u dhaafay 50 dowladood.