Puntland iyo Jubbaland.. Fadlan Shirkaasi Ha Tagina!

-

Inkastoo badanaa Dadka uu kala duwanyahay carabka iyo calooshooda, dadka qaar afkooda ayaa aad u macaan, maxaa yeelay waa dad caqli badan, badalkeedana waxaa la arkaa dad af xun sababtoo ah waa Puntland iyo Jubbaland waxaan ula jeedaa waa “doqomo”.


XAQIIQO NEWS-WARARKA GUDAHA

Afeef — Maqaalkani loogama talagalin in ay aqristaan dadka barta/bartay sharciga (low), sidoo kale maqaalkani waa ka mamnuuc dadka beenta jecel.

Ugu horeyn waxaan jeclahay in aan isticmaalo “maamul beeleed” badalkii aan adeegsan lahaa maamul goboleed, ugu yaraan oraahda dambe ayaa cadaaladda u dhaw, kama wado Puntland iyo Jubbland oo kaliya ayaa maamul beeleed ah,waxaan filayaa in laga wada dharagsanyahay qaabka ay u sameysanyihiin dhammaan maamul goboleedyada Soomaaliya.

Shirkii Dhuusamareeb labadan maamul midna ma tagin, maxaa yeelay qaabkaasi (diidmada) waxa ay dareensiineysaa awoodda ay u leeyihiin waxa ay iyaga is tuseen oo aan ugu yeeri karno mid walbo oo iyaga ka mid ah in uu ku dhawaaqi karo “jamhuuriyadda iskeeda wax u diida”.

Maxaa ka qaldan labadan Maamul?

Puntland, waxa ay isku aragtaa in ay tahay “bahdii ka yareyd Somaliland”, madaxda Puntland waxa ay had iyo jeer ku daydaan Somaliland, i aamin hadii Somaliland la aqoonsado, waxa aan ka baqayaa in Puntland ay noqoto”inctiraaf raadis”.

Sidoo Kale Aqri..Puntland, Puntland Markale Puntland

Hase yeeshee Jubbaland waa mowduuc gooni ah, hal mid oo aan qiyaasaya waxa ay tahay Jubbaland waxaa ka dhax hadlaya xisbiga Kenyaatiga ah ee jubilee.

Arintu sidii ay doontaba ha noqotee, waxa aan isku dayaa in aan Xisaabiyo Khasaaraha siyaasadeed ee ka dhalan karo “diidmooyinka qayaxan”.

khasaaraha

Runta lagama reysto, kuma dhahayo shacbka Puntland ama Jubbaland ayaa khasaaraya, waxaan ogahay ma jiro shacabka Jubbland ama Puntland la dhaho,sidaa darteed shacabka Soomaaliyeed iyo cid walbo oo dooneysa in la helo dowlada sal dagan oo loo helo dalkan ayaa ah cidda ugu horeysa ee khasaareysa.

Shirka Ha Tagina Balse Ka qeyb Gala!

Miiska waxaan soo saarayaa dood, waxaa dhici karta aqoonyahanada luuqadda in aysan igu raacin, waxaanse is leeyahay wa mas’alad u baahan in la aqoonsado, ugu yaraan si loo xaliyo doqonimada siyaasadeed ee taagan.

Cid Walbo oo diidan shirarka noocan ah puntland, Jubbaland ama cid kale oo soo raacda waxaan u soo jeedin lahaa xal siyaasadeed, waxaan ugu baaqi lahaa “ka qeyb gala shirka”.

Muhiim ma ahan in aad shirka tagtaan oo qaadataan go’aan walbo oo ka soo baxa, taasi waa “tagitaan oo kaliya” laakiin ka qeyb gala kana dhiibta fikirkiina,marka aad ka qeyb gashaan waxa aad diidi kartaan wixii idinla qaldan, waxaad qaadan kartaan wixii idinla quman, qaabkaasi waa kan ugu macquulsan ee ku meel marin kartaan ajandayaashiina siyaasadeed.

Wararka U Dambeeyey

Guusha X S N M X M D

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud ayaa loo doortay madaxweynaha Soomaaliya doorasha ka dhacday teendhada Afisyooni ee magaalada...

Cilmi Baaris..Dhimashada Ka Dib Ishu 5 Saac Ayey Wax Sii Arki Kartaa!

Baaris lagu sameeyey indhaha dad dhintay oo horay xubnahooda ugu deeqay in cilmi baaris lagu sameeyo ayaa waxaa lagu...

Waa Kan Cudurkii Uu U Dhintay Xaakimka Imaaraatka SH. Khalifa Bin Zaayed

Waxaa geeriyooday Madaxweyihii Imaaraatka carabta Shiikh Khalifa Bin Zayed Aala Nahyaan oo ahaa 73 jir, sida ay shaacisay Wakaaladda...

Mar Hadey Doorasho Tahay Qof Walba In Uu Soo Baxo Filo

Qof walbo waxa uu filayaa soo bixitaanka musharixiisa uu jecelyahay, balse waxaan la iska indha tiri karin mar hadii...

Ruushka Oo Sheegay In 30 Daqiiqo Kaliya U Baahanyahay Si Uu U Burburiyo Dowladaha NATO!

Maamulaha wakaaladda hawada sare u qaabilsan Ruushka ninka lagu magacaabo Dmitry Rogozin ayaa sheegay in dalkiisa u baahanyahay oo...

Doorashada 15-ka May..Maxaa Ugu Muhiimsan?

XAQIIQO NEWS- WAR IYO DHAMMAANTIIS WARKA:15-ka bishan aynu ku jirno ee May, waxaa lagu wadaa in la qabto doorashada aadka...