PUNTLAND oo Ka Xanaaqday Liiska Cusub Ee Wasiirad+Hanjabaaddii ugu adkeyda oo ay u direen Farmaajo

La Wadaag Asxaabtaada

Maamul Goboleedka Puntland ayaa sheegtay in Madaxda dowladda Federaalka Soomaliya ay bilaabeen waqti dhameys ayna ku socdaan waddo ay ku weyn karaan Kalsoonida Shacabka Soomaliyeed.
Ku-xigeenka Mamulka Puntland C/xakiin Xaaji Cumar Camey oo warbaahinta kula hadlay Magalada Boosaaaso ee Gobolka bari ayaa sheegay in Madaxda Dowladda Soomaliya ay haatan ku socdaan waddo ay ku weyn karaan Kalsoonida Shacabka Soomaliyeed, xili ay ku mashquulsan yihiin magacaabista Golaha Wasiirada Xukuumadda Soomaliya.
“Madaxda Dowladda Soomaliya waxaan ugu baaqayaa in ay iska daayaan Mashquulka iyo waqtiga ay dayacayaan,hala magacaabo Xukuumadd wax ku ool ah oo sameysa isbadal dhab ah oo umadda Soomaliyeed jecel yihiin, markii la magacaabay Madaxda Dowladda Soomaliya ilaa haatan waqti badan ayaa halkaas ku dhumay, aniga waxaan leeyahay yaa la raacin waddo lagu weyn karo Kalsoonida Shacabka Soomaliyeed.“, ayuu yiri Madaxweyne ku-xigeenka Mamulka Puntland Eng Camey.
Dhowr jeer ooh ore waxaa dib loo dhigay Magacaabista Golaha wasiirada Xukuumadda Federaalka Soomaliya ee laga sugayo Raisulwasaare kheyre iyadoo ciladaha jira lagu sheegay in Wasiirada qaar la isku haysto.

FADLAN QEYBTA HOOSE KU DHIIBO ARAGTIDAADA
Like
Like Love Haha Wow Sad Angry
La Wadaag Asxaabtaada