Puntland oo sidii galmudug qilaaf soo kala dhaxgalay wareegto wareegto lagu saxayo(xog)

-

Wareegto kasoo baxday Xafiiska Madaxweynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas, ayaa shaqadii loogu fasaxay Taliyaha Ciidamada Booliiska Cabdulqaadir Shire Faarax (Ereg).

Qoraal kooban oo lagu muujiyay wareegtadaas ayaa lagu sheegay in Ereg uu sii wadan karo shaqadiisa kadib ku dhawaad 40 cisho oo uusan Shaqayn.

“Waxaa Dhammaan Hay’adaha ay warqadani tooska iyo ogeysiinta ya ugu socoto lagu wargelinaya in Shaqadii loo fasaxay Taliyaha Ciidanka Booliiska Dowladda Puntland Cabdulqaadir Shire Faarax (Ereg), maanta oo ay taariikhdu tahay October,7,2017.” Ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay Madaxtooyada Puntland.

27 August, 2017 ayaa Madaxweyne ku-xigeenka Puntland oo markaas ahaa kusii sime Madaxweyne shaqadii ka fariisiyay taliyaha kadib markii ay isku maandhaafeen arrimo la xariiray maxaabiis lagu xiray xabsiga Garoowe.

Lama oga sababta uu Gaas usoo celiyay Ereg oo markii hore si KMG ah booskan ugala wareegay Cabdirasaaq Afgaduud.

Balse tallaabadan ayaa kusoo beegantay xilli Gaas iyo Camey ku kala aragti duwanaadeen shirka Kismaayo ee looga hadlayo Khilaafka DFS iyo maamul goboleedyada, waxaana tallaabadan loo arkay mid uu madaxweynaha ku muujinayo inuu yahay awoodda ugu sareysa Puntland.

Camey oo hadda ku maqan dalka Zambia ayaa xilli uu ka dhoofayay Magaalada Garoowe ka horyimid kulanka Kismaayo oo uu tilmaamay inuusan horseed u ahayn maslaxad Soomaaliyeed, halka Gaas iyo xukuumadiisa ay si buuxda u taageereen oo ay waliba sheegeen inay si buuxda uga qaybgalayaan.

Wararka U Dambeeyey

Shiinahaha Oo Digniin Bixiyey “Mareykanka Waddo Qaldan Ayuu Ku Socdaa”

Yang Jiechi oo ah diblomaasi sare oo ka tirsan wasaaradda arimaha dibadda ee Shiinaha ayaa sheegay in dalkiisa...

Maxay Mareykanka Ka Qabtaan Soomaaliya Inta U Dhaxeysa Soo Galis Iyo Sii Bixid?

XAQIIQO NEWS- WAR IYO DHAMMAANTIIS WARKA:Joe Biden ayaa saxiisay go'aan ciidamo Mareykan ah dib loogu celinaayo Soomaaliya, mana ahan markii...

Hindiya..Shimbirihii Oo Kuleyl Dartiis Dhulka Ku Soo Daadanaya!

Galbeedka Hindiya, abaar darran iyo kuleyl hanfi leh oo halkaasi ka jiray muddadii 3-dii bil ee ugu dambeysay darteed...

Guusha X S N M X M D

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud ayaa loo doortay madaxweynaha Soomaaliya doorasha ka dhacday teendhada Afisyooni ee magaalada...

Cilmi Baaris..Dhimashada Ka Dib Ishu 5 Saac Ayey Wax Sii Arki Kartaa!

Baaris lagu sameeyey indhaha dad dhintay oo horay xubnahooda ugu deeqay in cilmi baaris lagu sameeyo ayaa waxaa lagu...

Waa Kan Cudurkii Uu U Dhintay Xaakimka Imaaraatka SH. Khalifa Bin Zaayed

Waxaa geeriyooday Madaxweyihii Imaaraatka carabta Shiikh Khalifa Bin Zayed Aala Nahyaan oo ahaa 73 jir, sida ay shaacisay Wakaaladda...