Puntland, Puntland Mar kale puntland

Ma jirto cadeyn rasmi ah oo sheegeysa Puntland qaabka ay u dhaqmeyso in ay keeni karto “istaraatiijiyad siyaasadeed”, markani xaaladu waxa ay ku soo biya shubatay buuq, buuq iyo buuq badan,


Xaqiiqonews-Wararka Gudaha

Waxaa suuragal ah in Puntland ay qeylada sii wado, carada sii badato, si DF-ka ay ugu cadaadiyaan, ama ugu yaraan dowladda ay ka laabato go’aankeeda matalaadda gobolka Benaadir.

Puntland iyo Heshiiskii Jabuuti

kalsooni darada heysa Deni ma ahan mid xad leh, kaliya waxaa ka soo haray erayga gaboobay ee “Nagalama tashan”, hadii aad dib u xasuusato shirka Jabuuti maamulka Puntland waxa uu qaadacay heshiis walbo oo ka soo baxa halkaasi, sababtoo ah “lagama tala gelin”.

Puntland iyo Barlamaanka

maalmo ka hor Barlamaanka ayaa ansixiyey matalaada gobolka Benaadir taasi oo ah in gobolka Benaadir uu yeelan doono 13 xubnood oo golaha aqalka sare ah.

Sidoo kale aqri..Puntland..Bur bur dhaqaale Iyo Mid Siyaasadeed!

Ninkani Deni ah waa uu sii waday qaadacadiisi, waxaa puntland ay ku goodisay in ay ka go’eyso Soomaaliya inteeda kale, sababtoo ah “Puntland kuma qancin”.

Puntland iyo Doorashada

Inkastoo Guddiga doorashooyinka ay ka gaabiyeen howshooda, haddana ugu dambeyn waxa ay la yimaadeen “fikrad meel mar noqon karta”.

Xaliimo yareey oo ah gudoomiyaha doorashooyinka aya Barlamaanka hor dhigtay laba nidaam oo doorashooyin ah, iyadoo sheegtay qiimaha waqti iyo lacag ee nooc walbo ku baxeysa.

Laakin Deni waxa uu sii watay qaadacaadiisi, ninkani weyn waxa ay howshiisa u muuqataa in go’aanadii maamulka Puntland uu ku dhuminaayo wax aan macno laheyn.

Warka wanaagsan waxa uu yahay, inta ugu badan shacabka Puntland ma iibsanayaan badeecadaha uu iibinaayo Deni, go’aanka shacabka ayaana naga mudan in aan dhageysano.

FADLAN QEYBTA HOOSE KU DHIIBO ARAGTIDAADA