Madaxweynaha Ruushka Putin ayaa sheegay in Ruushka uusan ogoleyn “jinsi cusub” sida ka dhacda wadamada qaar isaga oo arinta noocaasi ku sifeeyey “wax aan la aqabali karin”
XAQIIQO NEWS- WARARKA DIBADDA
putin oo ka qeyb galay kulan ay soo qabteen golaha xaquuqda aadanaha iyo bulshada rayidka ayaa sheegay “way nagu adagtahay in dhahno meeqa jinsi ayaa jirta, xitaa suuragal iima ahan in aan magacyada qaar xitaa halkan ka sheego, waxaan leenahay taariiikh iyo dhaqan noo gaar ah”.
Sidoo Kale Aqri:Maxaa xalaal Ka Ah Taiwan Oo Aasiya Dhan Laga Ogoleyn
Waxaa la sheegayaa madaxweye Putin in sanadkii 2013 uuu saxiixay qaanuun mamnuucaya qaniisnimada oo lagu dhax xayiiysiiyo caruurta yar dhaxdooda.
Dadka caadiga ee Ruushka ayaa wajahaya ganaax lacageed oo dhan 5,000 oo Ruble (oo u dhiganta 90 doolar), dadka xilka haaya waxaa lagu ganaaxayaa 50 kun oo Ruble (oo u dhiganta 700 doolar), intaasi waxaa dheer shirkadaha iyo hay’daha oo ganaaxooda uu gaari karo malaayiin doolar hadii lagu helo faafinta dacaayadaha iyaga oo adeegsanaya internet ama warbaahin.