Qaab Aan Caqli Gal Aheyn..Duuliyahii Been Abuurka ee Khiyaanay Dunida

La Wadaag Asxaabtaada

Muddo dheer ayuu ninkani Hindiga labis khiyaano ah ku maraayey garoomada aduunka , isagoo isticmaalayey waxyaabo been abuur ah ka hor inta aan xaqiiqdiisa la ogaan.


Xaqiiqonews-Wararka dibadda

Wargeyska “Times of the India” ee ka soo baxa Hindiya ayaa sheegay in nin lagu magacaabo “Rajan Mahbubani” uu caadeystay in uu xirto labiska gaarka ah ee ay xirtaan duuliyaasha u shaqeeya shirkadda duulimaadyada Jarmalka ee Lufthansa.

Markii uu xirtay labiska waxa uu awooday in uu ka gudbo safafka dadweynaha, sidoo kale waxaa u suurtagalay in diyaaradaha uu ka galo albaabada gaarka ah, waxa uuna helay fadhiyada heerka sare ah si bilaash ah.

Mahbubani ayaa qirtay in uu khiyaanadan ku safray 15 goor, ka hor ina uusan ku fashilmin oo aysan qaban shaqaalaha garoonka caalamiga ah ee Indira Gandhi ee dhaca New Delhi.

Sidoo Kale Aqri Xaggee Ku Ogtahay Duuliyihii waday Diyaaraddii Riday Nukliyeerkii Horishima?

Sheekadan Duuliyaha been abuurka waxa ay wax badan u egtahay filimka Ameerikaanka ee ahaa Isoo Qabo hadaa awoodo “Catch me If You Can” kaasi oo soo baxay sanadkii 2002.

Waxyaabaha sida gaarka ah dadka ula yaabeen waxaa ka mid ah in Mahbubi uu sheekadani ku daabacay baraha uu ku leeyahay bulshada, waxaase dhici karta in uu ka waday Faan.

FADLAN QEYBTA HOOSE KU DHIIBO ARAGTIDAADA
La Wadaag Asxaabtaada